Home » Box Office » Judwaa 2 oo kaalinta 5-aad kaga jiro filimada lacagaha ugu badan 2017 soo xareeyeen isku darka dibad iyo dal

Judwaa 2 oo kaalinta 5-aad kaga jiro filimada lacagaha ugu badan 2017 soo xareeyeen isku darka dibad iyo dal

Varun Dhawan filimkiisa Judwaa mudo 18-maalmood wuxuu ganacsi ahaan ku dhaafay filimkiisa Badrinath Ki Dulhania isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena kaalinta 5-aad ayuu filimada 2017 ugu ganacsiga badan dibad iyo dal haatan ka taagan yahay.

Judwaa 2 waa mudo 18-maalmood wuxuu soo xareeyay 198 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka wuxuuna dhaafi doonaa hubaal ahaan Toilet Ek Prem Katha oo ganacsigiisa guud ku istaagay 201 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Qiyaas ahaan Judwaa 2 ganacsigiisa guud wuxuu ku istaagi doonaa 205 Crore sidaasna wuxuu ku noqon doonaa filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan sanadkaan 2017 soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka:

1. Bahubali: The Conclusion – 801 crore (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya)

 

2. Raees – 273 crore

 

3. Tubelight – 208 crore

 

4. Toilet Ek Prem Katha – 201 crore

 

5. Judwaa 2 – 198 crore (18-maalmood)

 

6. Badrinath Ki Dulhania – 197 crore

 

7. Jolly LLB 2 – 183 crore

 

8. Kaabil – 155 crore

 

9. Jab Harry Met Sejal – 147 crore

 

10. Baadshaho – 101 crore