Justin Bieber halkii uu bisha malabka ka aadi lahaa isbitaalka dhimirka ayaa loo diray iyo jaceylkiisii hore ee Selena Gomez oo sabab u ah. Maxaa dhacay?

0
3084

Fanaanka caalamiga ee magaciisa aduun weynaha ku baahay sidoo kalana dhalinta yar ee Justin Bieber ayaa lagu soo waramayaa inuu tagay isbitaalka dhimirka si uu isku soo daaweeyo.

Justin Bieber oo bishii hore guursaday gabadha modelka ee Hailey Baldwin sidoo kalana ah 25 jir heysto hanti kabadan 250 Million oo dolar ayaa la islahaa wuu ku faraxsanyahay noloshiisa waxaana la is lahaa wuxuu aadi doonaa bisha malabka asiga iyo xaaskiisa cusub.

Balse halkii bisha malabka inuu aado waqtigiisana ku raaxeysto laga sugaayay Justin ayaa tagay isbitaalka dadka dhimirka ka jiran lagu daaweeyo kadib markii ay lasoo daristay murug joogto ah.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror murugta Justin lasoo daristay ayaa waxaa u sabab aheyd jaceylkiisii hore ee Selena Gomes taasoo qudheeda dhawaan kasoo baxday isbitaalka dhimirka kadib markii ay Justin kala hareen ayay iyadana halkaas gashay.

Selena ayaa marka ay isbitaalka kasoo baxday misna soo kabsatay oo ay ogaatay in Justin uu guursaday gabadha modelka ee Hailey Baldwin soo qaaday hees jaceyl ooo qiiro leh iyadoona heestaas ku durtay jaceylkeedii hore ee Justin Bieber.

Selena ayaa soo qaaday heesta cinwaankeedu yahay Lose you to Love Me waxayna uga hadashay sidey u jeceleyd Justin iyadoo wargeyska sheegay in Justin Bieber heestaas saameyn ku yeelatay dhimirkiisa ayna tahay sababta uu haatan u galaayo isbitaalka dhimirka.

Meeshaan aya sidoo kale waxaa laga dareemi karaa in Justin iyo Selena wali is jecelyihiin oo midba kan kale uu jecelyahay waayo Selena waxay isbitaalka u gashay Justin dartiis kaasoo markii ay kala hareen asigoo kala haridooda 2 bil kasoo wareeganba uu Justin ku qabsaday gabadha Modelka ah ee Hailey Baldwin taasoo keentay in Selene isbitaalka dhimirka mudo bilo ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here