Juxa Iyo Sabtii Uu Calfan Waayey: Sheeko Qosol Badan Xili Juxa Gaajo Xun Heyso!!

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa juxaa oo hayaan dheer ku soo galay magaalo oo ay diif iyo gaajo ka muuqato ayaa waxa uu ku soo baxay Guri ay ka jirto Duco oo Geel lagu qalay balse ay albaabka hortiisa xoomsan yihiin caruur aad u badan oo ka warsugaysa dadkii guriga oo u sheegay in loo keeni doono balse ay isa sii nidaamiyaan.

Juxaa ayaa ay talo ku cadaatay isuna sheegay in hadii ay caruurtani sii joogaan in uu meesha ku qadi doono balse ay la gudboon tahay in uu caruurta meel kale u jiheeyo.ka dib ayaa uu caruurtii isugu yeedhay markii ay u wada yimaadeen ayuu ku yidhi caruureey waxaan eega ka soo dhergay Duco inoo dhaw oo geel badan lagu qalay balse aan dad cuna loo waayay oo dariiqyada laga soo leexinayo dadka.

Caruurtii ayaa halmar intay hanqalka taageen yidhi waa xagee markaasuu ku yidhi maba foga oo waa sakadaa inoo muuqata halmar ay jaanta wadheen caruurtii oo ay beegsadeen Ducadii juxaa u sheegay.Juxaa ayaa kaligii ku soo hadhay ducadii markaasuu sahwiyay oo is yidhi armay run tahay Ducada ay caruurtu u yaaceen markaasuu iska soo daba dhigay isagiina