Juxa Oo Aroos Galay Gabar Na Loo Guuriyay Balse Maxa Kala Qabsaday Juxa Iyo Gabadha(Sheeko Qosol Badan)

Waa markale iyo sheekooyinka Juxa oo aan marwalba idiin la wadaagi jirnay, maantana waa sheekadii caanka ahed ee dhexmaray Juxa iyo gabadhii loo guuriyay.

Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkasto uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin donto noqon dontana midii uu muddo raadinayay.
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri

” juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale” Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay ” Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska key astur”

1 Comment

  1. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Comments are closed.