Home » Bollywood News » Ka dib filimkii Ittefaq, Filimsameeye Karan Johar oo markale la shaqeyn doona Sonakshi Sinha

Ka dib filimkii Ittefaq, Filimsameeye Karan Johar oo markale la shaqeyn doona Sonakshi Sinha

Filimsameeye Karan Johar ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu labada Isbuuc ee soo aadan ku dhawaaqi doono filim ay hogaamiye ka tahay atariishada caanka ah Sonakshi Sinha.

Karan Johar iyo Sonakshi Sinha ayaana markale isla shaqeyn doona ka dib filimkoodii ugu dambeeyey ee Ittefaq kaasoo uu Director ka ahaa Abhay Chopra, halka shirkadda Dharma Productions ay sidoo kale maalgelisay.

Karan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu markale la shaqeyn doono Sonakshi, isagoo magaca filimka iyo macluumaadkiisa oo dhammeystiran ku dhawaaqi doona laba Isbuuc gudahood.

Filimka Ittefaq waxaa hogaamiye ka ahaa Sidharth Malhotra, Sonakshi Sinha iyo Akshaye Khanna si wanaagsan ayuuna uga gadmay Box Office-ka.