Gabar u dhalatay dalka Thailand ayaa dacwo kusoo oogtay wiil ay muddo lix sanno ah saaxiibo ahaayeen oo ay jaceyl wadaagayeen.

Gabadhaan ayaa ku eedeyneysa wiilkaan inuu guud ahaan meel uga dhacay xiriirka jaceylka, sidoo kalena uu dhaawac dhaqaale u geystay, maadaama uu soo xaadiri waayey maalintii arooskiisa.

Wiilkaan oo isdifaacaya ayaa wuxuu maxkamadda horteeda ka caddeeyey in sababta uusan usoo xaadirin maalinta arooskiisa ay aheyd in uusan bixin karin meherka ay dalbatay gabadhaani, taasoo aheyd aragti kasoo maaxatay qoyskeeda.

26 sanno jirkaan waxaa lagu magacaabaa Boonyang Sawatdee, waxaana qorshuhu uu ahaa inuu guursado Arunee Jaengkrachang, oo 24 sanno jir ah, muddo dheerna ay jaceyl soo wadaagayeen 22kii bishii lasoo dhaafay ee October. Laakiin wuxuu ka dhuuntay xafladdii arooskiisa.

Maalin ka hor arooska, lammaanahaan ayaa ku kulmay qaban-qaabadii arooskooda iyo weliba diyaar garoowgii ugu dambeeyey, mana uusan muujin wiilku inuu ka xun yahay waxa soconaya.

Laakiin Axadii 22kii October oo aheyd maalintii xogtay wuxuu imaan waayey arooska xilligii la ballamay. Qof walba ayaana sababta la yaabay. Boonyang ayaa mardambe yimid qoyskiisa ayaana weydiiyey waxa uu sidaan u sameeyey. Wuxuuna caddeeyey in uusan ka helin meherka faraha badan ee gabadhaani ay dalabatay.

Warbaahinta Thailand ee Bangkok Bost ayaa sheegtay inay Arunee dalbatay 200 oo kun oo lacagta Baht ee dalkooda ah, taasoo u dhiganta in ka badan 6 kun oo dollars. Waxaana la socday shan garaan oo dahab ah.

Laakiin gabadhaan ayaa haatan dacwad kusoo oogtay iyadoo ku eedeyneysa inuu khiyaano jaceyl u geystay, sidoo kalena uu dhaawac dhaqaale gaarsiiyey qoyskeeda maadaama ay arooskii lagu guuldarreystay qeybtooda ka qaban-qaabiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here