Warbixintaan waxaan daaha ka qaadi doonaa xiddigaha caanka ah ee Bollywood iyo shaqsiyaadka aadan aqoonta u laheyn ee ay xiriirka jaceyl lasoo wadaageen ka hor inta aysan caan noqon.

Waxayna muhiimadda warbixintaani tahay inaan idinla wadaagno magacyada shaqsiyaadkii ay jaceylka lasoo wadaageen xiddigaha waqtigaan caanka ka ah Bollywood kuwaasoo magac ahaan aadan garaneyn. Intooda badan shaqsiyaadkaas aan la garaneyn waxaa khiyaano jaceyl usoo geystay xiddigahaan caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka.

#6 AISHWARYA RAI IYO RAJEEV MULCHANDANI

Ash hadda caan ayey ka noqotay Bollywood – waxayna ku biirtay oo guursaday qoys caan ka ah shirkaddaan. Sidaas darteed xiriirkeedu sharraxaad badan uma baahna.

Laakiin waxay xiriir jaceyl lasoo wadaagtay Rajeev Mulchandani kaasoo ay isbarteen maalmahoodii modelka. Laakiin Aishwarya ayaa khiyaano jaceyl u geysatay Rajeev Mulchandani ka dib markii ay dalabyo aflaan sameyn ah ka heshay Bollywood, markii ay ka hartay Rajeev Mulchandani waxay saaxiib la noqotay Salman Khan.

#7 SONAKSHI SINHA IYO ADITYA SHROFF

Ka hor inta aysan hawada gelin oo aysan sameyn filimo guulo ganacsi ku tallaabsaday, Sonakshi Sinha waxay shukaansan jirtay Aditya Shroff.

Ku dhowaad muddo laba sanno ah ayey labadoodu wada-socdeen ka hor inta aysan dagaal shaqsi ah gelin oo aysan kala harin. Aditya ayaa wixii intaas ka dambeeyey guursaday xiddigta musasalka jisha ee Megha Gupta.

#8 JACQUELINE FERNANDEZ IYO HASSAN BIN RASHID AL KHALIFA

Jackie ayaa xiriir jaceyl oo muddo laba sanno ah qaatay lasoo sameysay Hassan Bin Rashid Al Khalifa oo ka mid ah qoyska reer boqor ee dalka Bahrain waana ka hor inta aysan kusoo biirin Bollywood.

Balse markii ay Bollywood-ka kusoo biirtay, Jacqueline waxay bilowday inay haasaawe la sameyso Director Sajid Khan. Balse xitaa xiriirkaas kuma aysan guuleysan.

#9 ARJUN KAPOOR IYO ARPITA KHAN

Ka hor inta uusan soo gelin shirkadda Bollywood jillaaga dhallinyarada ah Arjun Kapoor ayaa shukaansan jiray Arpita Khan, oo ah gabar la dhalatay Salman Khan.

Xaqiiqadu waxay tahay Arjun ayaa xitaa xiriirkooda ku faahfaahiyey barnaamijyo badan oo uu ka qeybgalay. Muddo laba sanno ah ayey wada-socdeen. Balse markii ay Arpita aragtay in uusan Arjun usoo jeedin, guud ahaanba xiriirkooda ayey soo afjartay.

#10 RANVEER SINGH IYO ADITYA ROY KAPUR OO HAL GABAR SOO WADA-SHUKAANSADAY

Hadda waa laba ka mid ah atooreyaasha dhallinyarada ah ee loogu jecel yahay Bollywood-ka. Laakiin labadoodu mar ayey xiriir jaceyl ayey lasoo sameeyeen gabadha ay dhaleen haleeyada Bollywood Dharmendra iyo Hema Malini.

Ranveer Singh iyo Ahaana Deol ayaa haasaawi jiray maalmahoodii iskoolka. Halka Ahaana iyo Aditya ay muddo afar sanno ah wada-socdeen. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna labadaan atoore saxafaadda uma uusan faahfaahin xiriirkaan.

Ahaana ayaana markii dambe guursatay Vaibhav Vohra sannadkii 2014kii, waana ganacsade degan Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here