aktarka bollywoodka ka tirsan ee Akshay kumar waa mid soo maray marxalado kala duwan isagoo fanka soo galay isagoo haysan garab iyo caawinaad waxa waayihiisa fanka ku bilaabay sameynta doorar action ah

ka dib markii aflaamo badan ka qasaarayn waxa uu isku badalay sameynta doorka shactirada ah isagoo dusha saartay dhibaato walba oo lasoo gudbay isagoo maanta taagan heer weyn

Akshay kumar waxa hadda u dhaxda atariishada Twinkle taaso u guursaday sanadmii 2001 laakiin ka hor atariishadan waxa uu xariir lasoo sameeyay atariishooyin kala duwan sida Raveena Tandon, Shilpa Shetty, Ayesha Jhulka, Pooja Barta, Priyanka Chopra

laakiin waxaa jiray in atariisho uu ka balan-qaaday inuu guursan doono taaso aktarkan si weyn usoo jiidatay cid kale maahan ee waa atariishada rekha akshay ayaa si xad-dhaaf ah u jeclaaday Rekha iyagoo si weyn isugu soo dhawaadayn inta ay duubaayeen filimka Khiladiyon Ka Khiladi

iyadoo waqtigaas Akshay Kumar uu shukaansanaayay atariishada Raveena Tandon isagoo qiyaameeyay raveena isagoo u weecday dhanka iyo Rekha iyagoo akshay iyo Rekha ay si weyn isaga helayn kuwaaso go’aan ku gaarayn inay is-guursadaan

laakiin muddo yar ka dib waxaa bur-buray xariirkooda laakiin ilaa hadda lama oga sababta ka dambeesay inay kala tagaan labadooda laakiin waxaa wararka qaar sheegayaan in Akshay Kumar uu qiyaamay rekha isagoo ka raacay atariishada Shilpa Shetty

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here