Street Dancer 3D waa mid kamid ah filimada sida weyn loo wada sugaayo sanadka dambe 2020 waxaana hogaamiyaal ka ah Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor, mashruucan ayaa la sheegay in lagu soo bandhigi doono Dance ama qoobka-cayaar midkii ugu cajiibsana Bollywood soo bandhigaan.

Si weyn ayaana loo hadal hayaa guud ahaan Filimka, waxaa maalmihii u dambeyeen la isla dhexmaraaayey in goos goos filimka lagu dhex daawan doono filimka Dabangg 3 oo 20 bishaan December tiyaatarada la saarayo balse arinkaas waxaa wax kama jiraan ku tilmaamay Varun Dhawan.

Street Dancer 3D poster: Varun Dhawan shows his washboard abs while revealing the release date of the trailer

Varun ayaa Twitter-kiisa ku shaaciyay xiliga rasmiga ah ee la daawan doono Street Dancer 3D waxuuna yiri in 17 bishaan December si rasmi ah loo soo bandhigi doono goos gooska dhameestiran (Trailer) sido kale marku hadalkaas shaacinaayey waxuu soo raaciyay sawir ka turjumayo aragti cusub ama kaarto cusub oo filimkaan ah.

Waa sawir Varun u gaar ah oo laguugu tusaayo murqihiisa sidee u diyaarsan yihiin iyo jir ahaan sida  isku habeeyay xabadkiisa dhanka midig shabad ayaa ka muuqata garabkiisa midigna waxuu ku shabadeestay shabadii Michael Jackson waxaa la sugaaba waa bandhigiisa wacan 2020-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here