Inaba caadi ma ahan kaartada maanta Superstar Ajay Devgn filimkiisa weyn Tanjahi: The Sung Warior uu kasoo bandhigay waa muuqaalkiisa oo dhameestiran sidoo kalena awood balaaran ka muuqato dhan walbo ayuu ka diyaarsan Devgn oo seeftiisa wato sidoo kalena doonayo inuu xasuuq weyn geesto.

Filimka Tanhaji kaartadan cusub laga soo bandhigay waxaa lagu soo xardhay in goos gooska mashruucan weyn lasoo bandhigi doono hal todobaad kadib ama 19-ka bishan November waxaana la wada sugaa goos gooska saameynta badan ee filimka Tanhaji laga soo bandhigi doono.

Tanhaji waa filim u qaas ah Ajay Devgn madaama uu yahay mashruuciisa 100-aad waxaana laadar awood badan ka ah Saif Ali Khan halka xaaskiisa Kajol Devgn filimkan door muhiim ah ku leeyahay waxayna ku jileysaa marwadiia garab weyn siin doonto waxaana mashruucan tiyaatarada la saari doonaa 10 Jan 2020.

Om Raut ayaa filimka Tanhaji Director ka ah waana filim ka hadlaayo dagaal yahankii awooda badnaa Tanjahi ee reer Marathi ka difaaci jiray boqortooyadooda caddowga kala duwan ee kusoo duuli jireen doorkaas awooda badana Ajay Devgn ayaa jilaayo halka Saif isagana jilaayo suldaan xumaan doon ah oo awoodiisa loo dhawaan karin waxaana xusid mudan in labadan atoore ee saaxiibada dhow ah inay shaashada isku heli doonaan dagaal taariikhi ah ayaa dhex mari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here