Kabir Singh waa filim dib loo sameeyay asigoo Hindi ah balse asal ahaantiisa ah Filim shirkada Telugu laga leeyahay waxaana hogaamiye ka ahaa Vijay Deverakonda oo Blockbuster weyn ka dhigay 2017.

Mashruucan isagoo Bollywoood ama af hindi ah waxaa dib u sameeyay Shahid Kapoor oo lagu ammaanay sida uu doorkisa kaga baxsaday balse muran ayuu dhexda ka galay maadama la dhaliilay doorka Kiar Advani oo atiriisho ka ahed halka doorka Shahid mid qalafsan oo xun lagu tilmaamay.

Kabir Singh becomes Google India's most searched film of 2019, beats Avengers: Endgame

Sikastee ahaataba waxuu noqday filimka loogu jecel yahay gudaha India sanadkaan 2019 isagoo noqday Filimka loogu baadi goob badnaa Google-ka oo dad malaayiin sare u dhaafayaan ayaa xogta Kabir Singh ka raadiyeen Google-ka.

Waxaa xusid mudan 5 filim ugu sareyso marka Kabir Singh laga soo tago afarta kale waa aflaam Hollywood ah oo gudaha India laga daawaday sida Mammouth, Avengers-end game, Joker iyo Captain Marvel oo af hindi gudaha India looga daawaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here