Home » Box Office » Kadib 2.0 marka lagu dhawaaqay in Nov 2018 la daawanayo jadwalka Bollywood-ka wuu isku qasmay

Kadib 2.0 marka lagu dhawaaqay in Nov 2018 la daawanayo jadwalka Bollywood-ka wuu isku qasmay

Lama filaan ayay ku noqotay filim soo saarayaasha Bollywood-ka marka shirkada Lyka Production ku dhawaaqday filimka weyn 2.0 in la daawanayo 29 November 2018.

2.0 ma ahan filim lala tartami karo miisaaniyaad ahaana wuxuu xambaarsan 500 Crore ($75M) ka badan waana filim labada Superstar Rajinikanth iyo Akshay Kumar la isugu keenay laguna daawan doono sedex luqadood Hindi, Tamil iyo Telugu.

Sidaa darteed 2.0 wuxuu isku qasay ama jah wareer ka dhex dhaliyay filimadii Bollywood-ka u diyaarsanaa in bisha November la daawado si gaar ah filimka Kedarnath oo Sara Ali Khan lagu soo caan bixinaayo Sushant Singh Rajput la jilaayo kaasi oo horey u calaameestay in 30 Nov 2018 la daawado.

Sidoo kale 2.0 wuxuu saameyn ku yeelan doonaa Tiger Shroff filimkiisa Student of The Year 2 oo la qorsheeyay 23 Nov 2018 in la daawado iyo filimka weyn Total Dhamaal oo isagana la qorsheeyay 7 December 2018 in la daawado.

Fadlan hoos kaga bogo jah wareerka jadwalka Bollywood-ka ku yimid bisha November filimadii qorsheesnaa xitaa shirkada Yash Raj Films masoo dhaweynin go’aankan madaama filimkooda weyn Thugs of Hinduston isagana 7 Nov 2018 oo ku beegan feestada Diwali la daawanayo mana wanaagsano labo filim waa weyn in hal bil gudaheeda soo baxaan:

07 November 2018 waxaa la daawayanaa Thugs of Hindostan

23 November 2018 waxaa la daawanayaa Student of The Year 2

29 November 2018 waxaa la daawanayaa 2.0

30 November 2018 waxaa la daawanayaa Kedarnath

7 December 2018 waxaa la daawanayaa Total Dhamaal

One Response to Kadib 2.0 marka lagu dhawaaqay in Nov 2018 la daawanayo jadwalka Bollywood-ka wuu isku qasmay

  1. Ayaan muuse Reply

    July 11, 2018 at 6:15 pm

    filmka Amir khan xooga wuu caymada wakhti badan baa u dhaxeeya 7 ilaa 29

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *