Kadib bandhigii cajiibka ahaa ee sanadkaan Ole Gunnar Solskjear oo amaan ugu qubeeyay Marcos Rashford asigoona la barbardhigay Christiano Ronaldo.

0
372

Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahankiisa Marcos Rashford kaasoo sanadkaan lasoo baxay qaab ciyaareed cajiib ah gaar ahaan kulamada Top6 loo yaqaano asigoona siweyn uga soo dhalaalay kulamadaas.

Ole oo ka hadlaayay bandhiga Rashford isla markaasna la barbardhigay Ronaldo bilowgii waayihiisa ayaa yiri; “aniga ahaan waa wax ii fudud inaan labadooda isbarbardhig ku sameeyo waayo labadoodaba waa laacibiin sidoo kalana jir ahaan waa isku mid xitaa habdhaqanka ayay iska shabahaan”.

Ole oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “Rashford wuxuu heystaa fursado badan oo uu ku noqon karo mid kamid ah laacibiinta ugu fiican kubadda cagta waxaana rajeynaa inuu joogteeyo qaab cayaareedkaan.”

Waxaa xusid mudan in Marcos Rashford uu United sanadkaan u cayaaray 21 kulan asigoona dhaliyay 13 Goal sidoo kalana caawin ka gestay 4 Goal kale dhamaan tartamada wuxuuna sidaas kusoo barbareeyay rikoorkiisii gooldhalineed ee ugu fiicnaa uu mudo sanad ah sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here