Kadib fadeexadii Mini Faaruuq iyo Sheyma al-xaaji fanaanad kale oo sheegtay in soo saare Khaalid Yuusuf uu ku qasbay in shaashada horteeda isku qaawiyo.

0
508

Waxaan horay idiin kula wadaagnay in gabdhaha fanaanada ee Mina Faaruq iyo Sheyma al-xaaji loo heysto kiiska muuqaalo iyagoo qaawan laga duubay waxaana lagu eedeeyay soo saaraha reer masar ee Khaalid Yuusuf.

Fanaanada reer Masar sidoo kalana ah atariisho filimada iyo taxanayaasha Xuuriya Fargali ayaa sheegtay markii ugu horeysay in hada kahor Khaalid Yuusuf uu ku qasbay iney shaashada horteeda isku qaawiso muuqaal aanan qeyb ka aheyn filimka markaas la duubayay.

Xuuriya ayaa tiri; “waan ka xumahay Khaalid wuxuu igu qasbay mid kamid ah muuqaalada filimka ku jiray inaan is qaawiyo inkastoo sheekada aysan qeyb ka aheyn muuqaalkaas, balse waqtigaas khibrad badan malaheyn waana sameeyay muuqaalkii maadaama doorkeyga ahaa gabar raga indho sarcaadiso”

Xuuriya oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri; “markii aan filimka daawaday waxaan dareemay dhagarta la ii maleegay waxaana go’aansaday muuqaal ceynkaas inaan mardambe duubin”

Ma ahan markii ugu horeysay ee soo saarahaan masaarida ah lagu soo eedeeyo falal nuucaan waxaana horay loogu heystay kiiska Mini Faaruq iyo Sheyma al-xaaji kuwaasoo iyagoo qaawan muuqaalo laga duubay kadibna baraha bulshada lagu faafiyay inkastoo uu soo saarahaan iska diiday arinkaas sheegayna inuusan wax lug ku laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here