Kadib fashilkii Dabangg 3 soo wajahay waa kuma filimka sanadkaan 2019ka ugu weyn iyo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay?

0
1063

Waxaan idin la wadaagnay dhawaan in filimka Dabangg 3 uu gabi ahaanba ku fashilmay inuu gaari karo darajada BB sidoo kalana uu 300 crore kabadan soo xareyn doono waxaan kaloo idinla wadaagnay in filimkaan uusan xitaa 200 crore gaari doonin cimri ahaantiisa.

Sidaas owgeed maadaama la is lahaa Dabangg 3 wuxuu noqon doonaa filimka ugu weyn 2019 iyo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay balse uu ku fashilmay waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa filimada haatan hubaal tahay in darajadaas ku dhameysan doonaan.

Kabir Singh oo uu hogaamiye ka yahay Shahid Kapoor ayaa haatan ah filimka ugu weyn sanadkaan 2019ka asiga ayaana darajadaas ku dhameysan doono waxaana filimkaan loo qiimeyn doonaa tirade dadka tikidka u goosatay.

Dhanka kale filimka WAR ayaa ahaan doono filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay Bollywoodka sanadkaan 2019ka kadib markii uu keenay 293 crore balse ma noqon doono filimka ugu weyn 2019ka inkastoo uu ka lacag badanyahay filimka Kabir Singh kaasoo soo xareeyy 276 crore balse filimka weynaantiisa waxaa lagu qiimeeyaa tirade tikidka u goosatay filimkaas waxaana labada filim badan filimka Kabir Singh sidaas owgeed filimka ugu weyn sanadkaan 2019 waa kabir Singh.

Ogoow labada filimba waxay sanadkaan gaareen darajada Blockbuster waana guul usoo hoyatay Hrithik Roshan Tiger Shroff oo dhinac ah iyo Shahid Kapoor oo dhinac kale ah.

Xusuusnow wali waxaa dhiman filimka weynee Good Newws kaasoo tiyaatarada la saari doono jimcada nagu soo fool leh waxaana hogaamiye ka ah Super Star Akshey Kumar balse filimkaan ma ahan filim Action madadaalo dhameystiran leh, balse waa filim Comedy ah kaasoo loogu talo galay dadka dabaqada sare sidaas owgeed lama filaayo inuu darajada 300 crore iyo wax u dhow gaaro waxayna u badantahay in Good Newws uu ku xeyndaabnaan doono 180 ilaa 220 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here