Kadib guulihii Kesari, Mission Mangal iyo Housefull 4 Akshey Kumar oo isha ku haayo inuu jabiyo rikoor weyn oo Salman Khan u yaalo.

0
1333

Akshey Kumar ayaa ku jiro waayihiisii ugu wanaagsanaa Bollywoodka asigoona haatan hawada sabeynaayo kadib guulihii ay u gaareen filimada Kesare (Hit) Mission Mangal (Super Hit) iyo Housefull 4 (Super Hit).

Akshey Kumar ayaa haatan doonayo inuu jabiyo rikoor Salman Khan uu dhigay sanadkii 201dii kadib markii filimada Bajrangi Bhaijaan wada jirkood isku darka dal iyo dibad soo xareeyeen 970 crore mana jiro ilaa iyo haatan jilaa u dhawaaday lacagahaas.

Balse Akshey Kumar ayaa haatan doonayo inuu rikoorkaas cagta mariyo asigoona filimada Housefull 4, Kesari iyo Mission Mangal ilaa haatan usoo xareeyeen 770 crore balse waxaa xusid mudan in filimka Good Newws uu Akshey u dhimanyahay kaasoo dabayaaqada sanadkaan tiyaatarada la saari doono waxaana lagu kasloonyahay in isku darka dal iyo dibad keeni karo 300+ crore.

Housefull 4; 290 crore (25 maalmood).

Mission Mangal; 277 crore.

Kesari; 203 crore.

Wadarta guud; 770 crore asigoo waliba Housefull tiyaatarada sii saaranyahay oo ay macquul tahay inuu dhowr crore ku darsado.

Hadaba hadii filimka Good Newws uu keenay 230 crore isku darka dal iyo dibad akshey wuxuu dhaafi doonaa rikoorka Sallu asigoona sidoo kale dhigi doono rikoor kaloo weyn kaasoo ah in jilaa hal sano filimadiisa soo xareeyaan 1000 crore waana arin aan horay u dhicin.

Inkastoo Sallu uu rikoorkaan ku dhigay 2 filim kaliya hadana Akshey wuxuu taaganyahay quraansho aruurtay bulac waa jiidi kartaa asigoona 4 filim miiska soo saartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here