Home » Box Office » Kadib guushii filimka Stree: Rajkummar Rao – Dinesh Vijan filimkooda xiga Made In China oo shaaca laga qaaday xiliga la daawan doono

Kadib guushii filimka Stree: Rajkummar Rao – Dinesh Vijan filimkooda xiga Made In China oo shaaca laga qaaday xiliga la daawan doono

Rajkummar Rao iyo soo saare Dinesh Vijan filimkoodii ugu dambeeyay Stree wuxuu noqday Super HIT asigoo haatan ku socdo inuu Blockbuster noqdo waana filim 2018 guul la yaab leh gaaray sidoo kalena aad kaga wada heleen daawadayaasha.

Haatan Rajkummar Rao – Dinesh Vijan waxay si rasmi duubis ugu bilaabeen filimkooda xiga Made In China waxaana la daawan doonaa 15 Aug 2019 maalinta xurnimada Hindiya ee sanadka dambe, waxaana xusid mudan inay maalintaas Boxoffice-ka kula dagaalami doonaan Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Amitabh Bachchan oo wataan filimka weyn ee Super Hero-ga ah Brahmastra.

Filimka Made In China duubistiisa maanta waxay ka bilaabatay magaalada Ahmedabad waxaana Rajkumar Rao atirisho ugu mataleyso filimkan Mouni Roy halka Boman Irani door muhiim ah oo dhaqtar ku matalaayo.

Filimka Made In China waxaa Director ka ah Mikhil Musale waxaana lagu kalsoon yahay in Rajkummar Rao iyo soo saare Dinesh Vijan mashruuc tayo wanaagsan la imaan doonaan madaama ay bulshada aflaanta jecel kalsooni kaga kasbadeen filimkooda Stree oo tiyaatarada saaran.

Dhinaca kale atirishada Mouni Roy labada filim isku dhacayaan Brahmastar iyo Made In China doorar muhiim ah ayay ku leedahay mana aysan ka hadlin arinkan waxay filimka Brahmastra ka tahay laadar awood badan halka Made In China ay atirisho kowaad ka tahay.