Kadib guushii H4 Shabakada BOI oo hub Nukleerka ka culus ku riday kooxaha filimada ka faaloodo kuna tilmaantay doqomo iyadoona maqaalkii sanadka ka qoreen

0
1758

Maqaal BOI: Xumaantii Housefull 4 laga faafiyay waxba ma aysan u dhimin.

Housefull 4 waxaa tiyaatarada la saaray feestadii Diwali daawadayaashana si wanaagsan ayay kaga heleen weyna amaanayaan filimkan laakiin kuwa filimada ka faaloodaan iyo dadka qaar ee fanka Hindiya ka tirsan ayaa dhaliil u qabaan filimkan waana arin la aqbali karo dhaliisha laakiin marka ay isku dayaan inay filimka Flop ama Disaster ka dhigaan lama fahmi karo ujeedka ka dambeeyo ayadoo ay muuqato in daawadayaasha guud ka heleen filimkan.

Ma jiro qof tiyaatar iska leh ama cajaladaha qeybiyo oo dood ka qabo Housefull 4 fariintiisa madaama uu ganacsi wanaagsan sameenayo laakiin kuwa dhibka qabaan waa qolyaha aflaanta ka faaloodaan oo xitaa bilaabeen inay soo tabiyaan lacagaha filimkan keenayo weliba hoos u dhigayaan.

Inta badan kuwa filimada ka faaloodaan waxay qabaan aragti ah sida ay iyaga filimka u cabiraan ama u taxliiliyaan inuu xaalkiisa noqon doono balse sidaas ma ahan arinka oo daawadayaasha dooqooda kuma xirno aragtida kuwa filimada ka faaloodaan waxaana la dhihi karaa daawadayaasha ayaa ah kuwa saxda ah ee xukmin karaan filim inuu xun yahay ama fiican yahay.

Arintan mid cusub ma ahan sanado badan ayay isku dayaayeen qolyaha filimada ka faaloodaan inay isku jaangooyaan falanqeynta fariinta filimada iyo ganacsiga ay sameenayaan si aragtidooda wax walbo ugu saleeyaan.

Filimkii Sholay ayaa FLOP lagu tilmaamay markii uu 2-bilood tiyaatarada saarnaa inkastoo tiyaatar walb dadka buux dhaafiyeen, marka haddii filimka ugu weyn ebid Hindiya sameeyeen la isku dayay in Flop lagu dhigo marka muxuu ku tooran yahay Housefull 4!

Sheekadaas waxay dhacday 40-sano ka hor laakiin weli wax isbadalay malahan madaama maanta kuwa filimada ka faaloodaan ay rabaan marwalbo inay isku jaangooyaan filimka sida ay fariintiisa kaga hadleen inay la ekaato ganacsiga uu sameenayo.

Haa waxaad u ekeeneysaa doqon marka aad filim ku tilmaantay inuu yahay mid xun uu ganacsi wanaagsan sameeyo laakiin waa inaad aqbashaa weliba xili hore qaladkaada qaadatid haddii kale waxay kugu noqoneysaa sida ukun in wajiga lagaaga dhuftay kulamaa filim aad ku tilmaantay mid uu tiyaatarada ku raago ganacsi heer sare ahna sameeyo.

Waxaa jiraan dad Bollywood-ka ka tirsan oo garab siinayaan qolyaha aflaanta ka faaloodaan kuwaas oo dhawaan ka hadleen lacagaha sare loo qaadayo ee aflaanta soo xareeyaan in laga bad badinaayo.

Waa sax arin wanaagsan ma ahan in filim lacagihiisa la buun buuniyo cirkana la geeyo laakin xaqiiqada waxay tahay inay wac caadi ah fanka ka noqotay 5% ilaa 10% marwalbo filimada lacagahooda sare loo qaado dhawaanahan weliba Housefull 4 ka hor inta uusan soo bixin ayayba jirtay ka bad badinta lacagaha filimada marka Housefull 4 kaligiis wax lagu dhaliilo meesha ma yaalo.

Waxaa ceeb iyo fool xumo ah kuwa Bollywood-ka ka tirsan ee dhaheen lacagaha filimada yaan sare loo qaadin ayagoo garab siinayaan kuwa filimada ka faaloodaan ujeedkoodana uu yahay ganacsiga Housefull 4 inay wax ka sheegaan in iyaga ku caan baxeen aflaantooda ganacsiga ay sameeyaan sare u qaadaan oo lacagaha wax ku daraan weliba xitaa inta Housefull 4 lagu eedeeyay ka badan ayay iyaga ku daraan aflaantooda ganacsiga ay sameeyaan marka ay tiyaatarada saaran yihiin marka side dad noocaas ah u dhihi karaan Housefull 4 lacagihiisa waa laga bad badiyay ayagoo ku caan baxeen inay filimadooda marwalbo ganacsiga ay sameeyaan wax ku daraan!

Farqiga Housefull 4 iyo aflaanta lacagahooda la kordhin jiray ayaa ah in Housefull 4 xumaan xoogan laga faafinaayo ganacsiga uu sameenayo laga xun yahay sidaa darteed awal heshiis ayay ku ahaayeen qolyaha filimada ka faaloodaan iyo qaar Bollywood-ka ka tirsan in filim walbo lacagtiisa 5% ilaa 10% sare loo qaado.

Sidaa darteed si qolyaha filimada ka faaloodaan xumaanta Housefull 4 ay ka faafiyeen u muujiyaan inay ganacsigiisa wax u dhinto ayay bilaabeen cabaad iyo qeylo ku aadan in filimkan daawadayaasha ka heleen lacagtiisa wax lagu daraayo ama la buun buuniaayo.

Waxaaba ugu sii darneyd sedexda maalmood ugu horeesay Housefull 4 tiyaatarada saarnaa feestada Diwali ka hor (Pre Diwali) in qolyaha filimada ka faaloodaan siweyn hoos ugu dhigeen lacagaha filimkan waxayna rabeen si deg deg ah inay kaga taqalusaan ka hor inta aan la gaarin fasaxa weyn ee Diwali laakiin beentooda wey socon weesay madaama daawadayaasha dhanka filimka Housefull 4 mareen mana aysan tixgalinin daawadayaasha waxa filimkan laga sheegay kaliya wey ku raaxeesanayeen daawashadiisa.

Arinkan oo kale waxay ku dhacday filimkii Race 3 oo xumaan xad dhaaf ah laga faafiyay sanadkii hore laakiin xaqiiqada waxa ay tahay sida looga dhigan inuu filim xun u yahay uma xumeyn Race 3 kaliya halka dhib uu la kulmay waxay ahayd tiyaatarada baaqi kuma sii ahaanin in mudo ah inkastoo ganacsi dhex dhexaad ah uu sameeyay sidoo kalena uu guuleestay laakiin ganacsigiisa ayaa marwalbo hoos u socday filimkan.

Sidoo kale filimkii Saaho qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday isagana xumaan weyn ayaa laga faafiyay laakiin mashruucan HIT ayuu noqday asigoo ganacsi wanaagsan sameeyay waxaana dhacday in la isku dayo ganacsiga filimkan hoos loo dhigo si loola simo xumaanta laga faafiyay awgeed laakiin midaas wey dhici weesay oo daawadayaasha ayaa Saaho HIT ka dhigeen kuna xumeeyeen qolyaha filimada ka faaloodaan.

Housefull 4 xumaanta laga faafiyay waa mid ka sareyso kana saameyn badneyd midda laga faafiyay Race 3 iyo Saaho sababtoo ah waxaa la quuri waayay in filimkan min tuulo ilaa magaalo ka gadmaayo waayo markii kowaad tiyaatarada la saaray ayayba ku dhawaaqeen kuwa filimada ka faaloodaan inuu filimkan Disaster yahay si hadalkooda run kaga dhigaan waxay bilaabeen inay xumaan waali ah ka faafiyaan ganacsigiisana hoos u dhigaan.

Sidoo kale kuwo ka mid ah Bollywood-ka ayaaba qayb ka noqdeen faafinta xumaanta filimka Housefull 4 laga faafinaayo. Halkii ay quusan lahaayeen sidoo kalena aqbali lahaayeen filimkan in daawadayaasha ka heleen waxayba sii bilaabeen xili uu ganacsi weyn si joogto ah u sameenayo maal maha shaqada filimkan lacagihiisa hoos u dhigaan!

Dadka waxaas sameenayo waxay u baahan yihiin baaritaan dhanka dhimirka ah lagu sameeyo sababtoo ah waxay u maleeyaan ganacsiga aflaanta (Boxoffice-ka) iyo sida ay filimada u falanqeeyaan marwalbo isku mid noqonayaan, weliba si qaas ah waxay isaga dhigaan inay fahmi karaan ama odorosi karaan filimada ganacsiga sameyn karaan iyo kuwa aan ganacsiga sameyn karin waxaaba kasii daran inay isku maleeyaan iyaga inay yihiin filim sameeyayaasha fanka ugu sareeyo!

Qaarkood waxay iska dhigaan inay xushmad iyo sumcad balaaran ku dhex leeyihiin gudaha Bollywood-ka laakiin maantadan dadka aflaanta daawadaan lama qayaani karo iskaba dhaaf inay been u sheegaan dadka fanka Hindiya ka tirsan.

Inta badan ereyga Critic ama filim falanqeeye wax naqdiyo waa mid ku weyn fanka Hindiya mudo dheer sidoo kalena aflaanta qaabka ganacsiga loo dhigo masoo dhaweeyaan laakiin xiligan a joogo waa sumcad beeleen kuwa filimada naqdiyaan waxaana dhihi karnaa meeshii Critic la dhihi lahaa in loogu yeero doqomo aan waxba kala ogeyn!

Balse qofna kuma dhiirado inuu fagaaraha ka dhaho kuwa filimada ka faaloodaan waa doqomo laakiin waa xaqiiqo fanka ka dhex jirto in la ogyahay kuwa filimada ka faaloodaan inay doqomo yihiin.

Haa waxaa jiraan kuwo fanka ka tirsan oo garab siiyaan doqomada filimada ka faaloodaan si ay aflaantooda u amaanaan laakiin midaas waxba uma tareyso waayo fariimaha ay kuwaas sameeyaan daawadayaasha kama helaan marka iyaga iyo doqomada ay garabka siiyaan waa isku mid!

Haddii aan usoo laabano sheekada Housefull 4 wuxuu noqday filimka kaliya ee lagu wada cabaaday in lacagihiisa sare loo qaaday laakiin xaqiiqada sidaas ma ahan haddii hal filim kaliya farta lagu wada fiiqay oo 1% ka ah 99% kale ee lacagahooda sare loo qaado maxaa looga wada hadli waayay oo loo dhihi waayay 99% kale iyagana lacagahooda sare loo qaaday waa arin qalad ah!

Laakiin waxaa ka fiicneyd in la is weydiiyo maxay tahay sababta xumaanta xad dhaafka ah filimkan looga faafinaayo asigoo ganacsi wanaagsan sameenayo halka laga doodi lahaa lacagaha filimkan sare ayaa loo qaaday.

Balse waxay is dhaheen kuwa filimada ka faaloodaan daqliga Housefull 4 soo xareenayo hoos u dhiga si xumaantii aad ka faafiseen qiil ugu heshiin waa ceeb iyo nasiib daro ayadoo loo wada jeedo filim daawadayaasha ka wada heleen si ku tala gal ah loo beegsado in loo wiiqo ganacsiga uu sameenayo!

Waa murugo in dadka fanka Hindiya ka tirsan rabaan filim ganacsi wanaagsan sameenayo dhulka galiyaan ayagoo garab siinayaan doqomo ujeedkooda yahay sida ay iyaga rabaan filimka u gadmo.

Housefull 4 waa guuleestay waana ka dabaashay xumaan walbo oo laga faafiyay, laakiin marka xigta filim kale ayay sidaan qabsan doontaa oo xumaan xoogan laga faafin doonaa mana noqon doonto markii ugu dambeeyay ee filim xumaan lala daba kaco guuleesto daawadayaashana ka helaan sidaa darteed sidaan ayaa la isku daba tagnaan doonaa laakiin daawadayaasha ayaa ah kuwa kaliya ee xukmin karaan filim guushiisa iyo guul daradiisa.

Dhamaad,

Waad ku mahad santahay aqriskaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here