Atariishada Deepika Padukone waa atariishada haatan ugu awooda badan Bollywoodka waana atariisho dhalinyar sidoo kalana muuqaal ahaan aad u qurux badan ayadoona qaab jiliin cajiib ah ku darsatay.

Atariishadaan oo ah dheyman ay Bollywoodka heystaan ayaa waxaa ku furmay mowjado dagaal iyo kuwa siyaasadeed kadib markii ay siweyn kaga hadashay ardaydii jirdilka loo geystay waliba ayadoo ku booqatay xaramka jaamacada arintaasoo keentay in Hinduuga wadankaasi ku kacaan maadaama ardayda ay muslimiin yihiin.

Mowjadaha atariishadaan ku furmay waxay saameyn ku yeesheen filimka Chhapaak oo ay Deepika hogaamiye iyo soo saaraba katahay kaasoona fashil weyn ku habsaday sidoo kalana ganacsi ahaan dhulka galay waxaana lagala kulmi doonaa khasaaro baaxad leh asigoona Big Flop durba noqday.

Deepila ma ahan atariisho Bollywoodka kaliya shacbiyad kuleh sidoo kale waxaa marar badan looga gacan haatiyay dhanka Hollywoodka oo ay horay ula soo shaqeysay jilaaga caanka ah ee Vin Diesel ayadoona atariisho koowaad ka noqotay filimka xXx Return of Xander Cage waliba qaab jiliinkeeda iyo muuqaalkeeda filimkaas siweyn ayaa loo amaanay.

Waa hubaal hadii Deepika Hollywood u baqoolato in soo dhaweyn weyn la kulmi doonto sidoo kalana atariisho caalami noqon doonto badalkii ay atariisho maxli ahaan laheyd xisaabtana ku dar in sidoo kale Deepika shacbiyad weyn kuleedahay koonfurta India waliba waa atariishada koowaad ay ugu jecelyihiin jilayaasha reer koonfureed atariishooyinka Bollywoodka.

Hadaba akhristow makula tahay in la gaaray xiligii Deepika Hollywood u baqooli laheyd mise waxay kula tahay in koonfur aado mise waxaad leedahay Bollywoodkeeda ha iska joogto oo haku mintido??

Aragtidaada saliimka ah nala wadaag fadlan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here