Kadib markii ay Bollywood guulo la taaban karo ka gaartay Ali Bhat oo diyaar u ahan iney Hollywood ku biirto isla markaasna marto wadadii ay mareen Pryanka iyo Deepika.

0
1124

Shirkada aflaamta Hollywoodka waa mida ugu weyn uguna saameyn badan aduunka asigoona jilaa kasta uu ku riyoodo inuu maalin uun ka howl-galo filimo Hollywood ahna jilo.

Hadaba atariishada dhalinta yare e Alia Bhat ayaa sheegtay iney diyaar u tahay isla markaasna la gaaray xiligii ay u baqooli laheyd dhankaas iyo Hollywood kadib markii ay Bollywoodka guulo la taaban karo ka gaartay.

Atariishooyinka Aishwarya Rai, Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone ayaa horay ugu biiray Hollywoodka lakin Alia markii lala barbardhigo da’ ahaan atariishooyinkaas aad ayay uga yartahay waqtigii ay Bollywoodka ku biirayeen.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay Alia Hollywoodka guulo la taaban karo maka gaari doontaa si lamid ah sidey guul uga gaartay Bollywoodka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here