Kadib markii ay sheegtay in Ozgan Deniz walaashiis tahay qalbigana ka jirantahay ayuuba inkiray sheegayna ineysan la dhalan.

0
596

Waxaan maalin dhaweyd idinla wadaagnay in gabar isku magacowday Goljan Deniz ay sheegtay iney tahay walaasha Ozgan Deniz balse hooyo kale dhashay isla markaasna walaalkeeda uu dayacay kadib geeridii aabaheed.

Hadaba jilaaga weyn ee reer Turkey Ozgan Deniz ayaa sheegay ineysan jirin gabar nuucaas ah oo asiga la dhalatay asigoona intaas ku daray in uu la hadlay abuukaataha qoyska gabar nuucaas ahna aysan marnaba la dhalan.

Ozgan Deniz ayaa hadalka intaas ku daray in hadii gabadha dhibaato heysato uu banii aadanimo u caawinayo balse aysan marnaba walaashiis aheyn.

Waxay aheyd isbuucii dhaweyd kadib markii gabar la yiraahdo Goljan Deniz sheegatay iney tahay walaasha Ozgan Deniz isla markaasna qalbiga ka jirantahay sidoo kalana hooyadeed jirantahay walaalkeedna uusan telka xitaa ka qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here