Atariishada Bollywoodka Priyanka Chopra sidoo kalana ka howl gasho shirkada aflaamta caalamiga ee Hollwoodka ayaa carabka ku dhufatay 3 wax oo ay u xiistay kuwaasoo Bollywoodka caan ku yihiin balse Hollywoodka sidaas ku aheyn.

Priyanka Chopra oo laweydiiyay suaal ah arimaha ay Bollywoodka ugu xiistay balse Hollywoodka caan ka aheyn ayaa sheegtay iney yihiin Danciga iyo heesaha.

Priyanka ayaa tiri; “Dabcan Hollywoodka waa laga yaqaanaa heesaha si lamid ah qooob ka cayaarka balse waxaab u xiisay kuwa hindiga iyo qaabka ay u dhigaan mana ahan isku mid heesaha Hollywoodka iyo kuwa Bollywoodka”

Arinta sadaxaad ayay Priyanka ku sheegtay iney tahay soo daahida waayo ayay tiri Hollywoodka waa qasab waqtiga duubista loogu talo galay inaad ku imaadid daqiiqadna masoo daahi martid balse Bollywoodka waad iska soo daahew culeys badana kuma fuulaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here