Waxaan idinla wadaagnay sawiro laga soo bandhigay atariishada caanka ah ee Fahriye Evcen kuwaasoo ahaa kuwii ugu horeeyay ee laga soo bandhigay tan iyo markii ay dhashay wiilkeedii koowaad.

Sawirada laga soo bandhigay Fahriye ayaa ahaa kuwa laga dareemaayay sida uu miisaankeeda u kordhay mudadii yareyd ee ay umusha kula jirtay wiilkeeda Karan waxayna saxaafada iyo buraha bulshadaba kala kulantay eedeyn iyo dhaleeceyn la xiriirto miisaankeeda saa’idka noqday hase yeeshee ninkeeda Burak Ozcivit ayaa xaaskiisa taageero u muujiyay.

Burak oo arinta miisaanka Fahriye ka hadlaayay ayaa yiri; “Fahriye aad ayay u qurux badantahay xaalad kasta oo ay ku sugantahay jaceylka aan u qabana maalinba maalinta ka dambeyso wuu sii kordhayaa”.

Burak ayaa xaaskiisa fahriye fasaxa sanadka kula qaadanayo magaalada Bodrum waxaana lagu wadaa inuu dhawaan jilista taxanayaasha dib ugu soo laabto asigoona kusoo laaban doono taxanaha caanka ah ee Dirilis Ertugrul seasonkiisii 6aad oo haatan loo badalay Dirilis Osman waxaana hogaamiye ka ah Burak Ozcivit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here