Mudo bil laga joogo waxaa geeriyootay misna gurigeeda laga helay meydkeeda gabadha fanaanada reer kuuriya ee Sulli la yiraahdo taasoo ilaa haatan aan la ogeyn sababta geerideeda ka dambeyso.

Balse arinka layaabka leh ayaa waxay tahay in shalay sidoo kale la helay meydka gabadha kale misna fanaanada Kuuriyaanka ah ee Goo Hara misna kamid ah kooxda gabdhaha heesa ee Kara la yiraahdo.

Gabadhaan ayaa iyadana meydkeeda shalay laga helay gurigeeda waxaana loo badinayaa iney is doshay sabab la xiriirto murug joogto ah oo gabadhaan lasoo daristay kadib markii ay saaxiibteeda dhimatay.

Qoraalkii ugu dambeeyay ay barteeda soo dhigtay waxay ku sheegtay in murug daran ay dareemeyso waxayna asxaabteeda ka codsatay iyo Commentiyo aan xanaf laheyn dhiibtaan.

Fanaanadaan gurigeeda meydkeeda laga helay ayaa sidoo kale la sheegay iney aad uga soo horjeeday weerarka la isaga qaado baraha bulshada waxayna booliska wadanka kuuriya haatan baaris ku wadaan sababta kaliftay geerida gabadhaan oo 28 jir aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here