Kadib markii filimka Joker 1 Billion ka talaabay faa’iido waali ahna laga helay durba waxaa bilaabatay diyaargarowga Joker2.

0
1125

Filimka Joker ee Hollywoodka kaasoo bilowgii bishii Oktobar sanadkaan tiyaatarada la saaray ayaa waxaa laga helay faa’iido fooqul caqli ah maadaama filimkaan lagu qarash gareeyay miisaaniyad dhan 50 ilaa 70 Million uu Box Officeka kasoo xareeyay in kabadan 1 Billion dolar taasoona ka dhigeyso in filimkaan laga helay faa’iido dhan 930 Million oo dolar waana arin aan marnaba lagu fikirin xitaa.

Shirkada iska laheyd filimkaan ee Warner Bros ayaa durba heshiis la gaartay Directorka filimkaan ee Todd Phillips si lamid ah jilaaga filimkaan Joaquin Phoenix si ay u sameeyaan qeybta labaad ee filimkaan lawada jeclaaday.

Sidoo kale atooraha filimkaan ee Joaquin Phoenix ayaa loo balan qaaday in lasiin doono 100 Million oo dolar oo ka madax banana mushaarkiisa taasoo ku xirnaan doonto dakhliga laga heli doono filimka Joker 2.

Filimka Joker oo si weyn loo jeclaaday isla markaasna lagu matalaayo shakhsiyada Joker eek u jirtay filimkii Batman ayaa laga helay mid kamid ah faa’iidooyinkii ugu badnaa abid filim laga helo asigoona lacagtii lagu sameeyay mid 14jibaar kabadan soo xareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here