Kadib markii filimka WAR mudo 4 maalmood ah ku dhaafay 120 crore waa kuwee filimada Hrithik iyo Tiger hogaamiyaha ka yihiin ee lacagaha ugu badan soo xareeyay?

0
1134

Filimka WAR ayaa maalintii sabtida keenay 28 crore waxayna taas ka dhigtay in mudo 4 maalmood ah uu ku keeno 123 crore oo nadiif ah.

Hadaba waa kuwee filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay ee ay hogaamiyaha ka yihiin jilayaasha filimka WAR ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff?

Aan ka bilowno Hrithik filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay waa Krrish 3 kaasoo soo baxay sanadkii 2013dii wuxuuna keenay 175 crore cimri ahaantiisa.

Dhanka Tiger Shroff asigana filimkiisa lacagaha ugu badan usoo xareeyay waa filimka Baaghi 2 kaasoona keenay 160 crore cimri ahaantiisa waxaana la daawaday sanadkii hore.

Hadaba sida muuqato filimka WAR wuxuu lacagahaas ku dhaafi doonaa kaliya isbuuciisa koowaad waana guul weyn usoo hoyatay labadaan jilaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here