Kadib markii guryaha lagu karantiilay ayuu xaflada dhalashadiisa dhigtay balse mukulaashiisa kaliya ayaa lasoo qeyb gashay.

0
1139

Fanaanka reer Marooko misna lagu magacaabo Sacad Lamujrad ayaa shalay u dabaal dagay xaflada dhalashadiisa balse wuxuu ku casuumay mukulaashiisa maadaama kaligiis guriga ku karantiilanyahay.

Fanaankaan caanka ah misma kaligiis guri dagan ayaa xaflada dhalashadiisa ku beegneyd maalintii shalay aheyd, balse maadaama dalka Maroko dadweynaha bandow saaranyahay oo aysan guryaha kasoo bixi karin wuxuu kaligiis dhigtay xaflad dhalasho asigoona ku casuumay mukulaashiisa sida sawirka hoos ka arki kartaan.

Arintaan ayaa kusoo aadeyso ayadoo wadamada caalamka intooda badan bandow ka jiro mamnuucna ay tahay in guryaha laga soo baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here