Kadib markii lagu dhawaaqay in la sameyn doono qeybta 4aad ee filimka The Matrix waxaan idiin heynaa 17 arimood muhiim ah inaad filimkaan ka ogaatid. qeybtii 2aad.

0
888

Kadib sanad guuradii 20aad markii shaashadaha la saaray filimka The Matrix kaasoo ku beegnaa bishii agoosto ee sanadkaan waxaa lagu dhawaaqay in dib loo bilaabi doono isla markaasna qeybo kale laga sameyn doono filimkaan.

Hadaba waxaan jecleysanay inaan idinla wadaagno 17 macluumaad oo laga yaabo inaadan ka ogeyn filimkaan halkaan hoose kaga bogo;

Qeybtii koowaad ee barnaamijkaan 5 qodob ayaan kaga hadalnay haatana qeybta 2aad ayaa sii amba qaadi doonaa.

6-Ookiyaalaha ay xiranyihiin dhamaan jilayaasha filimka waa kuwa khaas ah isla markaasna jilyaasha gooni loogu soo saaray.

Jilayaasha kuwa daacada ah waxay xiranyihiin hal nooc oo isku eg kaasoona ah midka wareegsan halka jilayaasha laadariinta ahna ay xiranyihiin ookiyaalaha kala dheer.

نظارات فيلم ماتريكس

7-Hogaamiyaha filimka Keanu Reeves inta uusan bilaabin duubista filimka ayuu bilow kahor maray qaliin dhanka lafaha dhuunta sabab la xiriirta inuu qabay qalal qeybta hoose ee jirka siiba lugaha.

 Waana sababta aynaan u arkin bilwoga filimka Neo oo muuqaalo dagaal iwm sameynaayo asigoona waqtigaas si taam ah suoo caafimaadin.

الممثل ”كينو رييفس“

8-Marka ugu horeyso ee uu Neo la kulmaayo atariishada filimka ee Trinity waxay ugu yeereysaa magaca Coppertop waana magaca loogu yeero batariyada Duracell.

Duracell matrix

9-Filimka wuxuu ka koobanyahay 5 midab kuwaasoo si cad u muuqdo waxayna kala yihiin Cagaar, Buluug, Guduud, Cadaan iyo jaalaha dahabiga ah iyadoona kalar kastaa uu u taaganyahay macno khaas ah.

الوان فيلم ماتريكس

10-Dhamaan shaashadaha kumbiyuutarada filimka kasoo muuqanayaan waxaa ku qoran xarfo aan la fahmi Karin xaqiiqdana waxay tahay iney yihiin astaamaha luuqada katakana la dhaho kuwaasoo gadis gadis naloo tusaayo waana luuqad jabaaniis ah.

Image result for the matrix colors

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here