Kadib markii lagu dhawaaqay in la sameyn doono qeybta 4aad ee filimka The Matrix waxaan idiin heynaa 17 arimood muhiim ah inaad filimkaan ka ogaatid. qeybtii 3aad.

0
1005

Kadib sanad guuradii 20aad markii shaashadaha la saaray filimka The Matrix kaasoo ku beegnaa bishii agoosto ee sanadkaan waxaa lagu dhawaaqay in dib loo bilaabi doono isla markaasna qeybo kale laga sameyn doono filimkaan.

Hadaba waxaan jecleysanay inaan idinla wadaagno 17 macluumaad oo laga yaabo inaadan ka ogeyn filimkaan halkaan hoose kaga bogo;

Qeybtii koowaad ee barnaamijkaan 10 qodob ayaan kaga hadalnay haatana qeybta 3aad ayaa sii amba qaadi doonaa.

11-Filimka waxaa laga buuxiyay sidoo kalana dhexyaal looga dhigay kalarka cagaarka xitaa dharka madow iyo cadaanka ay xiranyihiin ayuu qeyb kayahay oo waxaa dhexyaal u ah midabka cagaarka.

Image result for the matrix colors

12-Markuu socday duubista muuqaalka qeybta diyaarada lagu dagaalamayo ee Morpheus lasoo badbaadinaayo waxaa dhacday in diyaarado kale ay meesha soo maraan taasoona dhibaato abuurtay waxayna ahaayeen diyaarado iska caadi ah.

مشهد الطائرة المروحية (الهيليكوبتر) في فيلم ماتريكس

Si duubista muuqaalkaas sidii rabay loo yeelo waxaa magaalada dhan laga mamnuucay dhamaan diyaaradaha.

13-Baasaboorka Neo ee filimka wuxuu dhacayaa 11da sebtember 2001da layaabkuna wuxuu yahay in taariikhdaas ay tahay maalintii ay dhaceen weeraradii New York iyo Washington.

صلاحية جواز سفر ”نيو“ في فيلم ماتريكس

14-Bilowga filimka markii Neo la badbaadinaayo lagana badbaadinaayo Agentiyada Neo oo cararaayo ayaa isku dayaayo inuu daaqada dabaqa 34aad kasoo talaabo wuxuuna muuqaalkaas naftiisa u galinaa halis weyn.

Keanu Reeves muuqaalkaas halista ah asigaa duubay mana uusan adeegsan badalkiisa jilayaasha doorarka halista.

المشهد الذي يقوم فيه ”مورفوس“ بتوجيه ”نيو“ للهروب

15-Muuqaalka Neo iyo Trinity weerarka qaadayaan ee xabadaha lagu dagaalamay sida aad sawirka ka arki karto darbiga dumaayo qeyb kama uusan aheyn filimka balse markii muuqaalka duubistiisa la dhameeyay ayuu soo dumayaa.

مشهد سقوط الحائط في فيلم ماتريكس

Muuqaalkaas filimka ayaa lagu darayaa oo aan marki hore filimka qeyb ka aheyn laakiin iskiisa u dhacay.

16-Bilowga filimka markii Trinity soo baxeyso akshanka ay kusoo baxeyso ayay ku murgacaneysaa balse arinta layaabka leh waxay tahay cidna uma sheegeyso waxayna dhameyneysaa duubista muuqaalka ayadoona xanuun baabi’iye isticmaaleyso waxayna sidaas u sameynee si aan filimka looga saarin atariisho kalana loogu badalin.

الممثلة ”كاري آن موس“ في فيلم ماتريكس

17-Bilowga markii la tababaraayo Neo markii ay is dagaali rabaan Morpheus wuxuu sameynaa asigoo sanka suulka ku taabanaayo waana hab uu caan ku ahaa jilaagii caanka ahaa ee Bruc Lee.

صلاحية جواز سفر ”نيو“ في فيلم ماتريكس

Habkaas inuu sameeyo Keanu Reeves marnaba qeyb kama aheyn muuqaalka dagaalka balse asigaa iskiis u sameynaayo.

Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here