Kadib markii lagu dhawaaqay in la sameyn doono qeybta 4aad ee filimka The Matrix waxaan idiin heynaa 17 arimood muhiim ah inaad filimkaan ka ogaatid.

0
1195

Kadib sanad guuradii 20aad markii shaashadaha la saaray filimka The Matrix kaasoo ku beegnaa bishii agoosto ee sanadkaan waxaa lagu dhawaaqay in dib loo bilaabi doono isla markaasna qeybo kale laga sameyn doono filimkaan.

Hadaba waxaan jecleysanay inaan idinla wadaagno 17 macluumaad oo laga yaabo inaadan ka ogeyn filimkaan halkaan hoose kaga bogo;

1-Markii labada gabdhood ee sheekada filimka qoray ee Lilly iyo Lana Wanchowski fikradooda la wadaageen shirkada filimka maalgalineysay ee Warner Baros waxay dalbadeen lacag dhan 80 Million oo dolar balse dalabkooda shirkada way ku gacanseyrtay waxayna taas badalkeeda u sheegeen iney siinayaan kaliya 10 Millions.

Gabdhaha lacagtii ma aysan diidin balse duubistii muuqaalada ayay bilaabeen markii ay 10 daqiiqo duubeen ayayna muuqaalkii la wadaageen markale shirkadii Warnes Baros.

Masuuliyiintii shirkada markii ay muuqaalkii hordhaca daawadeen ayay aad ula tacajabeen waxayna gabdhihii u fasaxeen lacagtii ay sheegteen ee 80ka Millions.

2-Filimka markii hore marnaba dooqa koowaad ma uusan aheyn hogaamiyaha filimkaas ee Keanu Reeves balse waxaa dooqa koowaad ahaa Johnny Depp maadaama ay gabdhaha filimka sameeyay aaminsanaayeen inuu doorkaas kasoo bixi karo balse Johnny Depp wuu iska diiday.

Sidoo kale waxaa layaab leh inuu filimkaan iska diiday jilaaga kale ee caanka ah Nicolas Cage kaasoo sheegay inuu arimo qoys ku mashquulsanyahay xiligaasna uusan filim duubi Karin.

Will Smith asigana wuu iska diiday wuxuuna ka doortay filimka Wild Wild West, waxaa kaloo filimka diiday jilayaal ay kamid yihiin Brad Pitt, Val Kilmer iyo Leonardo De Caprio.

3-Magaca Morpheus oo ah doorka uu filimka ku jilaayo jilaaga Laurence Fishburne waxaa laga soo min guuriyay magac sanam oo ay giriiga caabudi jireen.

4-Kalabar kabadan hadalada Nio (Keanu Reeves ) waa su’aalo kuwaasoo badankooda uu wax kaga ogaanayo barnaamijka Matrix.

56% hadalada Keanu Reeves ee filimkaan ayaa su’aalo ah su’aalahaasoo la xiriira waxa uu Matrix yahay iyo fahamkiisa.

5-Markii uu Nio soo kacaayo asigoo madaxa u xiiranyahay sidoo kalana tubooyinka ku xiranyihiin ee uu ku dhex jiro qolka loogu talo galay in dadka lagu xifdiyo jirkiisa waqtigaas waa mid aad u caato ah waxaana u sabab ah asigoo waqtigaas miisaankiisa ka riday 15 rodol sidoo kalana madaxa oo dhan wuu u xiiranyahay.

عندما يستيقظ نيو في الجراب

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here