Kadib markii lagu dhawaaqay lacagaha Dabangg 3 maalintiisa koowaad keenay halkaan kaga bogo 10ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen sanadkaan maalintooda koowaad.

0
898

Waxaan goor dhaw idinla wadaagnay in filimka Dabangg 3 uu ganacsigiisa shalay ahaa 22.50 crore isla markaasna filimkaan asigoon maalin fasax ah la saarin hadana rabshado ku furmeen hadaba halkuu ka galay 10ka filim sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyay?

Liiska waxaa hogaaminaayo filimka WAR oo ay hogaaminayaan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff kaasoo bartamihii sanadkaan tiyaatarada la saaray iska badaa filimka sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyay ee wuxuu noqday filimka abid lacagaha ugu badan soo xareeyay maalintiisa koowaad asigoona jabiyay rikoorkii Thugs Of Hindostan.

Liiska oo dhameystiran halkaan hoose kaga bogo;

1. War (Hindi) – 50,61 crore (Fasax qaran)

2. Bharat – 41,62 crore (fasax qaran).

3. Mission Mangal – 28,45 crore (fasax qaran)

4. Saaho (Hindi) – 25,82 crore (waa filim Telagu ah)

5. Dabangg 3 (Hindi) – 22,50 crore (Caqabo iyo rabshado banaanbax wato ayaa ganacsigiisa xadiday)

6. Kesari – 20,40 crore (Fasax gobolada qaar)

7. Kabir Singh – 20,22 crore maalin shaqo

8. Gully Boy – 19,26 crore (Valentines Day)

9. Kalank – 18,45 crore (maalin fasax).

10. Housefull 4 – 17,53 crore (Pre-Diwali mashquul lagu jiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here