Waxaan idinla wadaagnay in jilaaga caanka ah ee Daniel Craig uu sheegay in gabi ahaanba markale kasoo muuqan doonin taxanaha James Bond isla markaasna filimka No Time To Die oo soo bixi doono April 2020ka uu yahay midkiisii ugu dambeeyay ee uu jilo.

Hadaba waxaa lasoo sheegayaa in shirkada filimkaan iska leh ay durba bilowday iney raadiso jilaagii kasoo muuqan lahaa taxanahaan qeybtiisa xigta isla markaasna badali lahaa doorka James Bond ee Daniel Craig.

Warar ayaa sheegaayo in shirkada bilowday iney wadahadal la gasho jilaaga sanadkaan ku guuleystay abaal marinta caalamiga ee Rami malek ayadoona dooneyso inuu matalo doorka xiga ee taxanahaan ahna filimkii 25aad ee James Bond.

Rami Malek oo 37 jir ah ayaa abaal marinta Oscar 2019 qeybta atooraha ugu wanaagsan ku guuleystay wuxuuna ku qaatay filimkiisa Bohemian Rhapsody waxaana lagu soo waramayaa in wadahadalada meel fiican marayaan.

Jilaagaan ayaa haatan ku mashquulsan seasonkii ugu dambeeyay ee taxanaha caanka ah  Mr. Robot’s waxaana lagu wadaa markii uu taxanahaan u dhamaado inuu doorkiisa xiga noqdo Bond25.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here