Adele waa fanaanad caan ah una dhalatay wadanka UK waana 31 jir heesaheeda aad loo xiiseeyo waxayna horaantii bishii hore kala tageen ninkii qabay ee Simon Konecki.
Adele ayaa kadib markii ay ninkeeda kala tageen kaasoo ay is qabeen mudo 7 sano ah iyadoona u dhshay 1 wiil waxay guriga uu daganyahay ninkeeda agtiisa ka iibsatay guri qiimihiisu dhanyahay 10 Million oo dolar.
Guriga ay Adele iibsatay ayaa bedkiisu yahay 6045 cag wuxuuna guriga ka kooban yahay 5 qol iyo 6 musqulood waxaana intaas usii dheer inuu leeyahay xafiis iyo Studio.
Ujeedka ay Adele gurigaan u iibsatay ayaa ah in aysan ka fogaanin wiilkeeda yar isla markaasna sahal u noqoto la kulankiisi