Tom Hanks ayaa kamid ah jilayaashii ugu magaca dheeraa taariikhda Hollywodka asigona jilaagaa la yimaado filimaan fariimo waaqici xambaarsan siweyna loosoo dhaweeyo balse jilaagaan iyo xaaskiisa ayaa dhawaan waxay kamid noqdeen dadka uu ku dhacay caabuqa Corona Virus.

Tom Hanks ayaa ahaa jilaagii ugu horeeyay Hollywood ah oo shaaciyo inuu Corona ku dhacay wuxuuna 63jirkaan dagaal la galay cudurkaan sidii uu uga soo kaban lahaa asiga iyo xaaskiisa qudheeda oo iyada Corona laga helay.

Tom Hanks ayaa lagu daweynaayay isbitaal ku yaalo wadanka Australia kadibna gurigiisa ayaa loo waday asigoona xaaladiisa ay soo hagaageysay sidii uu ku sheegay warbixintii ugu dambeysay ee uu baraha bulshada soo dhigay.

Hase yeeshee walaasha la dhalatay Tom Hanks oo iyadana ku nool wadanka Italy ayaa sheegtay in xaalada Tom Hanks wanaagsaneen inkastoo ayna sii raacisay in halisna aheyn.

Waxay tiri dhawaan ayaan taleefan kula hadlay xaaladiisa ma wanaagsana oo wali Ok ma ahan sidoo kalana aad uma xuma xaalkiisa waana inaan maalmo kawarsugnaa.

Waxaa xusid mudan in caabuqaan dadka ugu badan ee u geeriyoodo ay yihiin dadja jirooyinka lanool iyo dadka da’da ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here