Kadib markii uu shalay ku furmay filimka WAR nadaamka loo yaqaano Bumper Opening hadaba halkaan ka ogow filimada uu Hrithik sameeyay misna nadaamkaan ku furmeen.

0
1460

Filimka WAR ee uu hogamiyaha kayahay Hrithik Roshan ayaa shalay ku furmay nadaamka waalida ee loo yaqaano Bumber Opening asigoona galinkii hore subaxii ku furmay 80% wuxuuse duhurkii gaaray heerkii ugu sareysay 90% taasoona xaqiijisay inuu noqdo filimka maalinta koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Filimkii ugu dambeeyay ee Hrithik hogaamiye ka yahay kaasoona nadaamkaas ku furmo wuxuu ahaa Agneepath wuxuuna soo baxay 2012dii waa arin muujineyso in mudo dheer uu ka maqnaa nadaamkaan.

Waxaa xusid mudan in filimka uu qeyb kala yahay jilaaga Tiger Shroff oo qudhiisa guulaha saaxiibka la ah balse waligiis ma uusan keenin filim nadaamkaan waalida ku furmay wuxuuna filimka WAR noqonayaa filimkii ugu horeeyay ee Tiger hogaamiye kayahay kaasoona nadaamka Bumper Opening ku furmay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimada uu Hrithik jilay misna nadaamka waalida ku furmeen iyo saanadka la daawaday.

1. Mission Kashmir (2000)

2. Kabhi Khushi Kabhie Gham (2001)

3. Koi Mil Gaya (2003)

4. Krrish (2006)

5. Dhoom 2 (2006)

6. Agneepath (2012)

7. War (2019)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here