Home » Nolosha Jilaayaasha » Kadib Prabhas Oo Ay La Saxiixatay Filmka Saaho Markaana Shraddha Kapoor Waxay Film La Saxiixaneysa Rajkumar Rao!!

Kadib Prabhas Oo Ay La Saxiixatay Filmka Saaho Markaana Shraddha Kapoor Waxay Film La Saxiixaneysa Rajkumar Rao!!

2018 Bollywoodka sanad wanaagsan ayuu u yahay maadama aflaam hadal heyntooda cirka mareyso la daawan doono waxaana midaas sii dheer in aflaamta dhalinta sanadkaas aad loo daawan doono.

Waxaan horey u ogeyn in sanadkaas 2018 la daawan doono filmada kala ah ee ay dhalinta hogaaminayaan sida Ranbir Kapoor-Alia Bhatt Filmkooda  Brahmastra,  Alia Bhatt-Vicky Kaushal filmkooda Raazi, Anushka Sharma iyo  Varun Dhawan filmkooda Sui Dhaga, Jahnvi Kapoor-Ishaan Khatter filmkoda Dhadak iyo Sara Ali Khan-Sushant Singh Rajput filmkooda Kedarnath.

Haatana waxaa liiska soo galay Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor oo film cabsi iyo qosol iskudhexjira la imaan doonan Horror-Comedy.

Filmkaan ayaa la shegay in duubis lagu bilaawi doono bisha Jan ee sanadka dambe bilaawgisa Shraddha ayaana arinkaan taagerayasheda la wadaagtay iyo sida ay ugu faraxsantahay lashaqeynta nin qaab jiliinka cajiibka ah leh e Rajkumar Rao.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan shaashada la wadaago mid kamid ah atoorayasha aan taageraha u ahay qaab jiliinkiisana la dhacay Rajkumar Rao waana markii ugu horeysay aan la shaqeyo maxaa iiga farxad badan waxaan sugi la ahay duubista filmka ee bisha Jan bilaawaneysi.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *