Kadib markuu isniintiisii koowaad rikoor dhigay filimka H4 waxaa qasab noqotay in dib loogu laabto liiska filimada isniintooda koowaad kuna began maalinta 4aad lacagaha ugu badan soo xareeyeen.

H4 ayaa maalintii shalay aheyd keenay 34.25 crore asigoona noqday filimka sadaxaad maalin isniin ah lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Arinta layaabka leh waxay tahay in filimada Ae Dil Hai Mushkil iyo Shivaay oo la daawaday Diwali 2016dii isku darkooda isniintooda koowaad ay keeneen 33 crore waliba ayagoo la saaray 5800 tiyaatar balse filimka H4 kaligiis ayaaba 34 crore ka talaabay waliba filimadaas waxay ka badnaayeen ku dhawaad 2000 oo shaashad maadaama H4 la saaray 3900 shaashad.

Filimka H4 isniintii shalay aheyd 40 crore wuu ka talaabi lahaa wuxuuna noqon lahaa filimka maalin isniin ah lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoo xitaa ka talaabi lahaa filimka Bahabuli balse waxaa caqabad ku noqotya tiyaatarada badan ee la siiyay filimada Made in China iyo Saand ki Aankh kuwaaso ku dhawaad 40% shaashadaha la saaray waxayna kaligood qaateen 2200 oo tiyaatar inkastoo aysan daawadayaal ku filan xitaa helin misna qaab burbur ku furmeen hadana H4 ayay caqabad ku noqdeen.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo 20ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen maalin isniin ah iyo midkasta lacaga uu keenay;

1. Bahubali ; The Conclusion – 39.81 crore (fasax meelaha qaar).

2. Tiger Zinda Hai – 36.53 (fasax qaran)

3. Housfull 4 – 34.25 crore qiyaas ahaan (Fasax qaran).

4. Krrish 3 – 29.64 crore (Fasax qaran)

5. Bajrangi Bhaijaan – 26.78 crore (fasax qaran)

6. Sanju – 24.63 crore (tikidka oo kor loo qaaday).

7. Dangal – 24.98 crore (tikidka oo kor loo qaaday)

8. Simmba – 21.19 crore (tikidka oo kor loo qaaday).

9. PK – 21.15 crore (tikidka oo kor loo qaaday).

10. War – 20,18,00,000  (fasax meelaha qaar).

11. Dhoom 3 – 19.87 crore (tikidka oo kor loo qaaday).

12. Ek Tha Tiger – 18.96 crore (fasax qaran).

13. Tubelight – 18.14 crore (fasax qaran).

14. Ae Dil Hai Mushkil – 17.68 crore (fasax qaran).

15. Rustom – 17.48 crore (fasax qaran).

16. Kabir Singh – 17.09 crore maalin shaqo.

17. Shivaay – 15.59 crore (fasax qaran)

18. Sultan – 15.52 crore maalin shaqo.

19. Singham Returns – 14.69 crore (fasax qaran).

20. Padmaavat – 14.42 crore maalin shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here