Kadib Sanju Halyeey Sanjay Dutt Oo Soo Bandhigi Doono Buugiisa Xusuus Qorka Taariikhdan!!

Super Star Sanjay Dutt waxuu abid ku faani doona in noloshiisa film laga sameeyay dadkana loo bandhigay wax badana ay ka barteen jilaagan.

Dutt noloshiisa waa mid layaab leh dhacdooyin xiiso leh, kaftan iyo murugona leh ayaa kudhexjiran marka aad gudaha u gasho noloshiisa, hadaba xidigaan ayaa soo bandhigi doono buug xusuus qor ah.

Dutt ayaa ka howl gali doono inuu qoro buugiisa xusuus qorkakaaso uu ku qoro doono dhacdooyinka ugu layaabka badnaayen noloshiisa waxaana la sheegay in la daabici doono 29 July sanadka dambe 2019.

Waxuu yiri isagoo mar arinkaan ka hadlaayo,”waligey waxaan doonayey in aan dadka la wadaago nolosheyda waxa ay tahay iyo marxaladaha ay soo martay waxaa ku dhexjiraan waqtiyo farxad leh, waqtiyo murug leh iyo waqtiyo xiiso lehba waxaan ku guulestay haaf (Sanju).”

“Waxaan kaloo jeclahay in akhristayaasha aan usoo bandhigo buugeyga xasuus qorka ah oo aan in mudo ah ka mashquuli jiray fursadana iisaamixi weyday balse markaan waan ka howl galayaa si akhristayaal badan aan ula wadaago waxyaabo xiiso leh.”