Home » Wararka Maanta » Kaftan ma ahan Ajay Devgn boolis rasmi ah ayaa filimka Raid kala soo muuqan doonaan

Kaftan ma ahan Ajay Devgn boolis rasmi ah ayaa filimka Raid kala soo muuqan doonaan

Superstar Ajay Devgn haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Raid oo la daawan doono 16 Maarso 2018 waxaana la jileyso atirishada Ileana D’Cruz oo ay filimkii Baadshaho isla jileen.

Ajay Devgn ayaa filimka Raid ku jilaayo sarkaal mayal adag oo qaabilsan waaxda canshuuraadka iyo daqliyada waxaana filimkaan looga hadlaa sheeko dhacday 80-maadkii xili Hindiya daqliyaadka dowlada la lunsan jiray.

Director Rajkumar Gupta ayaa xaqiijiyay in saraakiil boolis rasmi ah oo haatan dowlada Hindiya ka trsan shacabkana u adeegaan filimka Raid wax ka jili doonaan si fariintiisa daawadayaasha 100% ula dhacaan.

Sarkaal Ram Raksha Singh ayaa ku faraxsan in filimka Raid uu kasoo muuqdo sidoo kalena saraakiil kale iyo heerarka booliska Hindiya gaar ahaan kuwa CBI loo yaqaan ka tirsan ayaa filimkaan kasoo muuqan doonaan.

Filimka Raid waa mashruuc hadal heyntiisa aad u sareyso madaama Ajay filimkiisa ugu dambeeyay Golmaal Again uu Blockbuster weyn noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *