Mega Power Star Chiranjeevi filimkiisa xiga Acharya waa mashruuc weyn oo qof walbo sugaayo qorshahana wuxuu yahay in la daawado 15 Aug 2020 maalinta xurnimada Hindiya loo dabaal dagayo waxaana mashruucan soo saarey ka ah Chiru wiilkiisa Ram Charan.

Haatan waxaa la sheegay in atirishada caanka ah Kajal Aggarwal filimka Acharya lagu soo daray waxayna shaashada jaceyl kula matali doontaa Chiranjeevi inkastoo da’ahaan labo laab ka weyn yahay haddana dhamaan atirishooyinka Koonfur Hindiya waxay ku riyoodaan inay Megastar-kan mar un la shaqeeyaan sidaa darteed farqiga da’da laguma mashquulo.

Director Kortala Siva markii hore wuxuu la xariiray Anushka Shetty si aysan mashruucan atirisho kowaad kaga noqoto balse jawaab soo celinteeda ayaa soo daahday sidaa darteed Ram Charan oo ah soo saaraha filimkan ayaa Kajal Aggarwal la saxiixday waxayna durba aqbashay inay Chiranjeevi mashruucan weyn lamaantiisa ku matasho.

Kaja Aggarwal horey waxay Chiranjeevi ula sameesay filimkii HIT-ka weyn noqday Khaidi No 150 haatana dhawaan ayay duubista filimka Acharya bilaabi doontaa marka xayiraada laga qaado dhamaan shirkadaha Hindiya aflaanta sameeyeen oo dowlada Hindiya ku amartay ilaa 31-bishan Maarso inay duubista aflaanta hakiyaan si loola tacaalo Coronavirus-ka.

Kajal Aggarwal sanadkan 2020 waa sanad u qaas ah waxaa u diyaarsan filimo xiiso badan sida Indian 2 oo ay Kamal Haasan la sameeneyso waa filim Tamil ah, Mosagallu oo ay la jileyso Manchu Vishnu iyo Suniel Shetty waa filim Telugu iyo Hollywood isku jiro ah iyo sidoo kale xidigtaan waxaa u diyaarsan filimka weyn ee Bollywood-ka ah Mumbai Saga oo ay John Abraham, Emraan Hashmi iyo Suniel Shetty la jileyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here