Kajal Aggarwal oo kamid atiriishooyinka ugu soo jiidashada badan koonfur India ayaa hadal weyn dhalisay kadib markii muuqaal yar laga soo bandhigay oo xabadkeeda lagu taabanaayo sanadkii hore ilaa hadana waa mid hadal heyn weyn abuuray.

Kajal waxay dib u sameneysaa Filimka Queen ee Kangana Ranaut horey u jishay isagoo Bollywood ah waxayna Kajal saxiixatay mashruucan isagoo Tamil ah in la sameeyo lagana soo xigto Queen Movie hadaba muuqaal hadal heyn abuurayo ayaa kujiro mashruucan.

Kangana ayaa horey u sameeysay muuqaalkaas waana mid atiriishada Lisa Hayden ay xabadka ka taabaneyso Kangana Ranaut hadaba Kajal oo filimkaan sanadkii hore ka howl gashay ayaa iyadana laga rabay inee muuqaalkas sameyso mid lamid ah kii Kangana ookale.

Atiriishada lagu magacaabo Eill Avram ayaa ka taabaneyso Kajal xabadka kadibna Kajal wey naxee sida ay muuqaalka ku jileyso goos gooskii laga daawaday ee muuqaalkaas kamid ahaa hadal heyn ayuu dhaliyay misane lagu Troll gareeyay Kajal.

Director-ka Filimka Ramesh Aravind ayaa saxaafada u sharaxay in muuqaalkaas uu laga ma maarmaan yahay sheekada Filimka qeyb ka yahay lagana saari karin ilaa hadana waa la sugayaa xiliga la daawan doono dib u sameynta Filimka Queen ee la magac baxay Paris Paris isagoo Tamil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here