Xidigta laga dambeeyo ee inta badan aflaanta Koonfur Hindiya kasoo muuqato Kajal Aggarwal sidoo kalena aflaanta Bollywood-ka sameyso ayaa ka hadashay filimka weyn Mumbai Saga doorka ay ku lahaan doonto iyo mashruucan inay John Abraham lamaantiisa ku matali doonto.

Kajal Aggarwal ayaa ka hadashay sidoo kale in taalada xabagta Madam Tussauds loo sameeyay laguna soo bandhihay Singapore waxayna Kajal ku faraxsan tahay inay taaladan xabagta ah muuqaalkeeda laga sameeyo madaama dadka caanka ah taaladan loo sameeyo kadibna la dhigo madxafka Madam Tussauds la dhigo si loogu soo daawasho tago.

Kajal Aggarwal waxay dhahday “Waan faraxsanahay waxayna ii tahay sharaf weyn in taalada xabagta Madam Tussauds la ii sameeyo dad badana muuqaalkeyga usoo daawasho tagi doonaan waana ku mahad santihiin reer Singapore sida aad ii sharafteen dhamaantiin waan idin jeclahay waxaana ii suura galiseen dadka caanka ah inaan la mid noqdo.”

Kajal Aggarwal oo ka hadleyso filimkeeda Mumbai Saga waxay tiri “Mumbai Saga waa filim weyn waana nasiib badanahay inaan kasoo muuqan doono filimkan run ahaantii waan ka helay doorkii u Director Sanjay Gupta ii soo bandhigay sidoo kalena dhamaan kooxda filimkan wey i soo dhaweeyeen si gaar ah John Abraham oo duubista filimkan saaxiib ku noqonay madaama aan lamaantiisa shaashada ku matalaayo waana qof aad u wanaagsan.”

Filimka Mumbai Saga waxaa la daawan doono 19 June 2020 sidoo kale Kajal Aggarwal waxay duubis ku wadaa filimka weyn ee Tamil-ka ah Indian 2 oo ay la jileyso Superstar Kamal Haasan lana daawan doono bisha April ee sanadkan. Balse xidigtaan waxay ka gaabsatay inay saxaafada u xajiiso in filim cusub la sameyn doonto xidiga reer Malayalam Dulquer Salmaan ayadoo sheegtay mashruucan run iyo been waxa uu yahayba waqtiga ku haboon ka hadli doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here