Kajol iyo Ajay waxa ay mid ka mid yihiin lamaanayaasha dunida ee nolosha heerka gaareyn laguna dayado iyagoo 18 sano ka hor go’aan ku gaareyn inay nolosha isla qayb-sadaan waxaana u jooga labo caruur ee lagu kala magacaabo wiil la yiraahdo yug iyo gabar magaceedu yahay Nysa
Kajol ayaa shaacisay sir weligayd aysan la wadaagin bulshada iyadoo ka qayb-galaysay showga ay marti-geliso atariishada Neha Dhupia ee No Filter Neha
Kajol ayaa halkaas ku amaantay ninkeeda ajay devgan iyadoo ku tilmaamtay Inuu yahay ninka ugu fiican dunida maadama ay sheegtay inuu ka ilaaliyo wax walbo oo dhib ah sidoo kalena uu yahay aabo aad u wanaagsan

kajol yaa sheegtay qiso dhex-martay iyada iyo aabaheeda waxaana ay ahayd xilligii ay xariir jaceyl iyada iyo Ajay devgan kajol ayaa waxa ay aabaheeda u sheegtay inay doonayso inay isguursadaan iyada iyo ajay devgan
ka dib markii ay hadalkaas ku tiraahday aabaheeda waxa uu noqday mid iska aamusa oo aan xitaa hal hadal oran kajol ayaa cadeesay arrinka aabaheeda uu kaga aamusay isagoo doonaynin in xilligaas ay gabadhiisa ay guursato
madaama u Kajol u arkaayay in weli ay yar tahay laakiin Kajol ayaa qaadatay go’aan ah inay iyada iyo ajay ay isguursadaan noloshana wadaagaan taaso hadda ay ku raaxeysanaayeen go’aankii ay 18 sano ka hor gaareyn