Atariishada Kajol Devgan waa mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan Bollywoodka ayadoo filimkeedii ugu dambeeyay ee Tanhaji wali tiyaatarka saaranyahay misna wacdaro Box Officeka ka dhigaayo.

Hadaba Kajol ayaa wareysi ay siisay Indian Express lagu weydiiyay hadii loosoo bandhigi iney noqoto filim sameeye Directed ama qoraa sare misna sheekada filimada diyaariyo.

Kajol ayaa ku jawaabtay; “u maleyn maayo in Directednimo la iigu talo galay, balse waa macquul inaan qoraa maalin noqdo”.

Kajol oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri; “balse qoraa nimada waa howl kaliyoobid u baahan (meel aan buuq iyo bulsho laheyn inaad wax ku qortid) waxayna u baahantahay howl badan iyo waqti badan inkastoo xiligaan la joogo ay adagtahay sidaad ku hesho jaanis aad waqti badan wax ku qorto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here