Kajol iyo Madhuri oo dhambaal qiiro leh usoo diray raga caalamka. Maxay sheegeen??!!

0
925

Atariishooyinka Kajol Devgn iyo Madhuri Dixit ayaa fariin qiiro leh la wadaagay raga caalamka ayadoo shalay ay ku beegneyd maalinta Ragga caalamka.

Kajol ayaa barteeda Instagramka soo dhigtay sawirka ninkeeda Ajay iyo wiilkeeda waxayna kusoo qortay; “Haweenka waxay kor u qaadaan Ragga anaguna aan sameyno sida aan dooneyno iney noola dhaqmaan iyaga, dhamaantood (Ragga caalamka) aad ayaan ugu faanaa aniga”.

Madhuri Dixit ayaa sidoo kale soo dhigtay sawirka ninkeeda Sriram Nene iyo wiilasheeda. Waxay ku qortay cinwaan, “Jacayl, daryeel & tiirarkayga taageerada. Waan u xiisay wiilasheyda … Dhamaan ragga u keenaya isbedel wanaagsan bulshadeena, Farxad ku qaata maalintiina”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here