Home » Nolosha Jilaayaasha » Kajol Oo Dib U Sameesay Doorkii Caanka Ahaa Ee Filmka Kabhi Khushi Kabhie Gham!!

Kajol Oo Dib U Sameesay Doorkii Caanka Ahaa Ee Filmka Kabhi Khushi Kabhie Gham!!

K3G waa mashruuc weyn oo Blockbuster noqday lana daawaday sanadkii 2001 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen halyeey Bollywood sida Amitabh Bachchan, Jaya Bachchan, Shah Rukh Khan, Kajol, Hritik Roshan iyo Kareena Kapoor Khan.

Doorka Kajol ee filmkaan Classic weyn ayuu noqday waxayna ku qaadatay abaal marinta atirishada sanadkaas Bollywoodka ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare bixiso.

Hadaba Kajol ayaa dib usameesay muuqaal kamid ah filmkaas xili ay ooyneyso cabsina muujineyso marka aya jabiso weel uu kujiro fiyoore ama ubax yaala guriga Big B.

17 Sano ayaa u dhaxeysa muuqaal ahaan marka aad sawirka fiiriso hadana wali Kajol doorkeda iyo jiliinkeda wax sidaa ah iskama bedelin waa atirisho qibradeeda taagan xaqiiq ahaan waxaana wada xasuusana inee doorkan ama muuqaalkan shaashada ay kaga qoslisay daawadayaal badan ayadoo muuqaalka dambe duubtay xili ay London wareysi ku bixineysay maalmo kahor.