Super Star-da Bollywood-ka iyo daafaha caalamka laga jecel yahay Kajol Devgn ayaa masraxa filim jilista kusoo laabatay waxayna Bollywoodka kusoo gashay 5 sano kadib filimka Dilwale oo ay lasameysay saaxiibked SRK.

Kajol ayaa 5-sano kadib fanka kusoo laabatay waxayna xidigtan ka hadashay go’aanka ay ku dooratay sameynta filimka Dilwale. Waxay tiri “Caruurteyda gaar ahaan gabadheyda Nysa ayaa igu dhiiri galisay inaan filimka Dilwale sameyntiisa aqbalo”

“Weliba si dareen ku dheehan ayaan ku aqbalay talada gabadheyda madaama aan aad u jecel lahay”
Kajol iyo SRK waa labo xidig oo guusha saaxiib u ah sidoo kalena 5-sano kadib filim cusub usoo bixi doono dhawaan.
Kajol waxay ka tiri la shaqeynta SRK “Aadban ugu farxaa marka aan SRK filim la sameeyo, waa qof wanaag badan sidoo kalena ku dhiiri galinaayo xili walbo”
“Marwalbo ee aan filim la sameeyo SRK waxaan gurigeyga kusoo laabtaa anigoo wax cusub ka bartay dhanka filim jilista iyo xirfad ahaan”

Waxaa Dhowaan la isla dhexmarayey in Karan Johar filim weyn u dhiibi doono SRK iyo Kajol oo ay kula wehelin doonan Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waan arki doona mashruucan halka uu ku dambeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here