Ma ahan qiso qarsoon waa qiso dadka badankooda wada ogyihiin jaceylkii dhexmaray lamaanaha ugu caansan Bollywoodka Ajay Devgn iyo Kajol kuwaaso si dhab ah isku calfadeen noloshana wadaagen waliba caruur ayaa u joogaan hader.

Waxaan soo helnay xog kusaabsan maalmihii xiriirka ka dhaxeeyay jaceylkana laga dareemayay waana kahor arooskooda inta uusan dhicin sanadii 1999 hadaba hoos kaga bogo macluumaad kooban kusaabsan jaceylkii ay isku qaadeen.

ajay devgn kajol love story

1-Kajol waxay sheegtay inee Ajay ku jeclaatay deymadiisa cajiibka ah, kahor inta uusan u sheegan jaceylka xidigtaan waxuu ku dareensiiyay indhahiisa oo qaabka uu marwalba u fiirin jiray ayaa Kajol qalbigeeda saameeyay ileen Ajay waa atoore indho jaceyl leh.

ajay devgn and kajol

2-Inta ay duubayeen Filimka Ishq (1997) Ajay Filimka dhexdiisa waxuu ugu galinaa Kajol Faraantu run ahaan faraanti Filimka loogu talo galay balse Kajol ilaa hada wey wadataa faraantigaas waxayna sheegtay inee u niyeesatay faraantigii jaceylkeeda dhabta ah.

Ajay dhankiisa waxuu Kajol u sheegay markuu muuqaalkaas jilaayey oo faraantiga u galinaayey inuu si dhab ah u niyeestay sidaasna isku alkunteen lamaanahan marka faraanti galiskooda Filim ayuu kudhex dhacay waa cajiib.

ajay devgn kajol wedding photos

3-Kajol geeraaro jaceyl ayee Ajay u qori jirtay intii ay duubayeen Filimka Pyaar To Ho Na Hi Tha sanadkii 1998 waxaana ugu wacnaa boholyowga oo ku batay dareenkeedana celin weysay marwalba warqado jaceyl oo gabayo iyo geeraaro ku qoron yihiin ayee udiri jirtay.

4-Ajay jaceylka uu Kajol u qaaday waligiis gabar sidaa uma jeclaanin wararkii saxaafada sanadii 1995 ay ka qori jireen waxaa kamid ahed in Ajay shaqadiisa Filim jilista sifiican u qabsan waayey oo isagii dhan isku qasmay ilaa markii dambe uu sidhab ah ugu sheegtay jaceylkiisa iyada ay ka aqbashay durba ileen waala hayey qudheede.

ajay devgn and kajol photos

5-Filimka Pyaar To Ho Na Hi Tha waa Filim ugaar ah lamaanahan dareenka jaceylka ay isku qabeena ku muujiyeen in badan dadkii kala shaqeyeen Filimkaan waxay ka sheekeyeen jaceylkooda waxayna dhihi jireen kuwan halisku guuriyo waxooda jaceyl wuu dhaafay.

Ajay iyo Kajol waa lamaanayaan jaceyl dhab ah isku qaadeen kana dhabeyeen xiriirkooda maantana waxaa u joogaan wiil iyo gabar mudo 20 sano ay wada noolaayen waana lamaanr kudayasho mudan.

ajay devgn kajol wedding photos

Lamaanayaasha maanta jiraan waxay u badan yihiin kuwa kala tagaan waxaana ugu wacan in dhaqankii reer galbeedka lala jaan qaaday oo jaceylkii meesha wuu ka baxay wax walbo baahi jireed ayaa lagu soo koobay waana sababta aan loo gaari karin marnaba xiriirada Bollywoodka guuleesteen sida Ajay iyo Kajol iyo waliba kuwa kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here