Bollywood Queen Kajol Devgn ayaa shaashadaha dib ugu soo noqotay waxayna soo wadaa Filimkeeda xiga ee Tanhaji mashruucan waxaa la jilayaan seygeefa Ajay Devgn iyo saaxiibkeeda Saif Ali Khan waxaana la daawan doonaa Janaayo 2020.

Tanhaji waa Filkm taariikhi ah oo ay Kajol ku jileyso xaaska Ajay halka Devgn isagana uu kujilaayo abaanduule dagaal yahan ah oo hogaaminaayey guud ahaan ciidankii boqortooyada Mughal halka Saif Ali Khan uu kujilaayo kaaba laadarka ugu weyn mashruucan.

Kajol ayaa wareysi siisay shabakada Filimfare waxayna ka hadashay soo laabashadeeda Bollywoodka iyo saaxiibada qaaska ah ay shirkadaan ku leedahay iyadoo ka hadleysa asaxaabteda waxay tiri.

“Dhamaan asaxaabteyda Bollywood-ka waan wada jeclahay sida guud aqoon buuxda uma lihi 10-kii sano ilaa 15-kii sano u dambeyeen jilayaashii soo caan baxeen oodhan dhamaantood ma aqaan laakiin qaar aan isbaranay wey jiraan.”

“Balse asaxaabtii aan isku jiilka aheen kuwa badan aan saaxiib dhow nahay wey jiraan sida Lolo (Karisma Kapoor), Aamir Khan, Saif Ali Khan, Raveena Tandon, Akshay Kumar iyo kuwa kale oo badan.”

“Inkastoo badanaa aynan baraha bulshada ku sheekeysanin hadana waan iska warqabnaa marmar waan isla xiriirna markaan kulana kaba sii daran waan isku xiisnaa in badan.”

Kajol sido kale waxay ka hadashay Karan Johar oo saaxiibkeeda labaad Bollywood-ka ugu weyn ah maadama saaxiibkeeda kowaad Shah Rukh Khan yahay waxay tiri iyadoo Karan ka hadleysa,”maba la kulmin in mudo ah mana is warqabno bilooyin badan waxaana ugu wacan in safarkiisa iyo shaqadiisa badan tahay si lamid ah ana mashquulkeyga ayaa badan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here