Ajay iyo Kajol 20 sano ayee wada nool yihiin 2 caruur ahna wey u joogaan sido kale 25 sano kudhowaad ayaa laga joogaa markii ugu horeysay oo ay is jeclaadeen.

Kajol oo ka hadleyso hada kahor Ajay jaceylkii ay u qaaday waxay tiri,”waligey Ajay waa necbanaa laakiin mid kamid ah filimadeena anagoo duubis kuwadno ayaan garwaaqsaday inuu noqon doono hogaamiyaha nolosheyda inta kaharsan.”

Kajol And Ajay Devgn

Ajay dhankiisa isagoo Kajol ka hadlaayo waxuu yiri hada kahor,”markii ugu horeysay aniga iyo Kajol wada kulanay (1995) wixii kulankaas ka dambeyay ma jecleesan inaa dib dambe u arko sababto ah waxay ahed gabar kibirley ah hadana hadal badan hade hadasho maba aamusto dhanka kale dabci ahaan aniga iyo iyada aad ayaa ukala duwaneen balse maba ogeen inee qalbiga iga xadi doonto weyna dhacday.”

Lamaanahan jaceylkooda Bollywoodka oodhan ayaa laga ogaan jiray waligeedna ma dhicin naag soo kala dhexgasho iskuna daydo inee isku dirto ama kala geyso marka laga reevo kangana Ranaut oo 2008 ilaa 2011 iskudayday arinkaa.

Ajay Devgn and Kajol

Ajay waxaa soo jiidatay Queen of Bollywood Kangana Ranaut sida xanta sheegtay aflaam ay isla sameyeen ayaana u sabab ah isku soo dhowaanshahooda warar badan ayaana laga qoray xidigahan heer ladhaho Kangana ayaa Kajol kala wareegi rabto Ajay Devgn.

Hadaba Kajol ayaa arinkaa u dulqaadan weysay waxayna go’aansatay inee guriga u firaaqeyso Ajay caruurtedana ay kaxeesan doonto balse Devgn ayaa ka codsaday xaaskisa hal fursad waxuuna gabi ahaanba xiriirka ujaray Kangana Ranaut.

Kanagana Ranaut

Ajay siduu Kajol u guursaday waxaa lagu xantay Esha Deol iyo Kangana Ranaut balse Esha Deol sheekadeeda inee been tahay ayee u badantahay halka Kangana Ranaut sheekadeeda iska cadahay runa u badan Guurka la sheego ma ahan guur xaqiiq ah ee waa mid Filim ay isla sameynayeen ugaar ah. hader Devgn labo sheey ayuu dunida ugu jecelyahay shaqadiisa iyo qoyskiisa wax seddexaad boos uma haayo ayuu yiri 50 jirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here